Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay Hotelka Mayfield eek u yaalla magaaladaEdmontonee dalkaCanada. Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne farabadan oo ka kala yimi magaalooyinka uu ka koobanyahay gobolkaAlbertaiyo nawaaxigeeda ayaa waxaa khudbado soo dhawayn ah ka jeediyay madax kala duwan oo ka socota bulshada qaybaheeda kala duwan sida madaxda ururada Soomaalida ee magaalooyinka Edmonton iyo Calgary, siyaasiyiin, odayaal iyo farshaxanka way nee Amin Caamir. Dhammaan madaxdii halkaas ka hadashay ayaa ku ammaanay Faarax Macalin sida wadaninimada leh ee uu ugu dodo xuquuqda dadka Soomaaliyeed eek u kala nool mandaqadda geeskaAfricaiyo sida uu marwalba uga difaaco cadowga Soomaaliyeed in ay kala dhantaalaan misnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii waxaa halkaas khudbad dheer oo ka warramaysa marxaladda cusub ee dalka Soomaaliya galay iyo hawlgalka military ee dalka Kiiniya ka soo jeediyay Mudane Faarax Macalin Dawara.n Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee dalka Kiiniya ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay sida ugu wanaagsan ee dawladda Fedralka Soomaaliya ula jaanqaadi karto siyaasadaha ishuman ee caalamku ugu talogalay in ay ula macaamilaan iyo qorshaha dalka Kiiniya eek u wajahan halgalka milatry ee gobollada Jubbooyinka. Mudane faarax ayaa si cad u sheegay in marka Al-shabaab laga sifeeyo gobollada Jubbaland loona sameeyo maamul ay soo doortaan dadka degaanku ay ciidamada kiiniya si deg deg ah ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo. Khudbaddii ka dib ayaa dadwaynaha loo furay su’aalihii ay waydiinlahaayeen mudanaha wuxuuna uga jawaabay su’aalihii la waydiiyay si waadix ah aynu ku qanceen dadkii su’aalahaas waydiiyay.
Ugu danbaytii, xafladdaas ayaa ku soo gabgabowday si farxad iyo isafgarad ku dheehantahay.
Figradihiina