Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan booliska AMISOM ayaa kulan looga hadlay adkaynta ammaanka ku yeeshay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubbaland, Cabduqaadir Lugadheere oo Warbaahinta lahadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in booliska AMISOM uu ka howlgalo magaalada.
Cabduqaadir Lugadheere ayaa intaas ku daray in booliska AMISOM uu tababarro siin doono booliska maamulka KMG ah ee Jubbaland.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka dhaca dilal intooda badan u muuqda kuwo qorshaysan, kuwaas oo qalqal galiya xasilloonida.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka kismaayo-somalia
Figradihiina