Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Roobab mahiigaan ah oo 24-tii saac ee lasoo dhaafay si xiriir ah uga da’aayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sababay in uu gebi ahaanba istaago dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada kaddib markii ay biyo badani kusoo rogmadeen waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Biyaha ka dhashay roobabaka muddada badan da’aayey ayaa sidoo kale waxay gudaha u galeen xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo qaar kamid ah guryaha dhagaxa ka samaysan taasi oo caddaynaysa xooga biyaha iyo roobabka da’ay.
Waxaa jira dadka ku waftay biyaha kuwaasi oo la geeyey goobaha caafimaadka inkastoo aysan jirin cid u geeriyooday, qaar kamid ah bakhaarada ganacsiga, dukaamada iyo goobo kale oo ganacsi ayey sidoo kale biyahu waxyeelo u geysteen.
Gaadiidka yar yar ee magaalada u kala goosha ayaa kamid ah qaybaha ay saameeyeen biyaha roobka ka dhashay, waxaana la arkaayey gaadiid badan oo biyaha ku dhex demay.
Markii ay sidaasi dhacday ayaa Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamuud Yuusuf Timo Jilic waxa uu maanta u kuurgalay xaaladda magaalada iyo saamaynta ay ku yeesheen roobabkii da’aayey 24-tii saac ee lasoo dhaafay.
Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tegay goobaha ay dhibaatooyinka ugu badan gaarsiiyeen roobabka sida waddooyinka biyahu gooyeen, guraha ay dumiyeen, xeryaha dadka barakacayaasha oo ah kuwa ay ku yeesheen saamaynta ugu badan iyo suuqyada ganacsiga oo ay biyahu go’doomiyeen.
Ibraahim Timo Jilic ayaa kormeerka kadib waxa uu la hadlay saxaafadda isaga oo marka hore ka hadlay dhibaatooyinka ay geysteen roobabka.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay roobabka oo uu sheegay in ay iyaga awoodooda ka weyn tahay.
Dhanka kale maamulka degmada Kismaayo ayaa wada dadaallo ku aadan sidii waddooyinka magaalada looga nadiifin lahaa biyaha dhex jiifa, waxaana jira goobo uu maamulku ka qoday waro loogu talagalay in lagu wareejiyo biyaha waddooyinka xayiray.
Goobo kamid ah kuwa biyaha go’doomiyeen ayaa maamulka waxa uu qorshaynaayaa in uu ku xiro tuubooyin qaada biyaha kuwaasi oo ku daraaya badda
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina