Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kumanaanka arday ee wax kabarata Jaamacadda Muqdisho oo imtixaanka finalka semestkiisa 2aad ee sanad waxrashadeedka 2013/2014 UU UBILOWDAY

Ardayda wax kabarata kulliyadaha iyo qaybaha kala duwan ee jaamacadda Muqdisho ayaa 31/05/2014ka  waxay  u fariisteen imtixaankii finalka semestkiisa 2aad ee sanad jaamacadeedka  2013/2014 iyadoo qeybta boosaasana ay iyagana maalmo ka hor ufariisteen.

Diiwaanhayaha guud ee jaamacadda muqdisho Dr – maxamed xasan nuur oo warbaahinta lahadlayey ayaa sheegay in maanta ay utahay farxad weyn ilaahayna ay ugu mahad naqayaan inuu jawi wanaagsan ugu bilowday jawi wanaagsana ku dhamaan doono, wuxuu umahadceliyey maamulka, macalimiinta iyo shaqaalaha jaamacadda muqdisho oo da daalweyn ku bixiyey inay howsha sidan uwanaagsan ay ku dhacdo.

Waxaa kale oo Dr- maxamed xasan nuur uu urajeeyey ardayda maanta uu ubilowday inuu alle qalinkooda ugu toosiyo guusha ay hiigsanayaan , wuxuuna umahadceliyey waalidiinta soomaaliyeed ee  kalsoonida siiyey jaamacadda muqdisho inay ilmahooda waxkabartaan wuxuuna ardayda urajeeyey guul wanaagsan.

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Sheekh Axmed  abuubakar ayaa sanadkaan waxa uufarxadooda lawadaagay dufcadii sadaxaad ee qalinjebineysa iyo ardada kale ee galaya imtixaanaadkoodii ay fasalada kale ugu gudbi lahaayeen   soona  kormeeray hoolaalka imtixaanadu kasocdaan iyo waaxda imtixaanaadka ee jaamacadda ayaa munaasabadda dhamaadka sandwaxbarshadeedka u hambalyeey ardayda jaamacadda xarumaheeda kala duwan ee imtixaank gabagabda u fadhiisatay.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyaha u  hambalyeeyay waalidiinta, macalimiinta, maammulka, bahda tacliinta heerarkeeda kaladuwan iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed.

Maamulaha Campaska Bosaso  Adam Axmed oo ka warbixinayay habka hawlah imtixaanaadku u socdaan waxa uu sheegay in Xarunta Puntland ee Jaamacadda Muqdisho oo shaqaynaysay laga soo bilaabo 2008dii, ay si joogtaha ugu talaabsanaysay  horumar iyo waxqabad, hadda waxa ay ka koobantahay 5 kuliyadood iyo 12 takhasus oo arday badan oo hablo iyo wiilal ahi wax ku bartaan sida shari’a & law, social science, Mathematics & physics, Economics, Business Administration, Accounting, Public Administration, Banking & finance, Computer science &Information technology, iyo Nursing iyo Public Health,

Sanadkaan ayaa waxaa imtixaanka ufariistay ardayda dhigata sagaal kuliyadood,27 labaatan iyo todobo taqasus iyadoo imtixaanka uu soo gabagaboobi doono 10 julaay.

Waxaa xusid mudan in Jaamacadda Muqdisho leedahay aqoonsi heer caalami ah oo xubin katahay 7da  urur-Jaamacadeed  ee dunida ugu waaweyn waxaana laga xusu karaa

  1. Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).
  2. Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta. ( AARU)
  3. Midawga Jaamacadaha Afrika (AAU)
  4. Midawga Jaamacadaha Caalamka (AIU) iyo kuwa kale.

 

Dhinaca kale, Jaamacdda muqdisho waxay maxay bixisaa  Master iyo PhD- takhasusyada MBA, IT, iyo Education oo ay iska kaashadaan Muqdisho University, Asian University and open University Malaysia.

Sidoo kale, Jaamacdda muqdisho waxay ay bixisaa Diploomooyin kaladuwan oo profisional ah.

Xafiiska warfaafinta jaamacadda muqdisho

Muqdisha Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply