Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubbaland oo ugu baaqay Ganacsatada iyo hay’adaha samafalka in ay si deg deg ah ugu Gurmadaan dadka Danyarta ah ee ku Dhibaateeysan Degmada Kismaayo (DAAWO SAWIRRADA)

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa mar kale waxaa ka da’ay roobab socday muddo ka badan 24-saacadood, waxayna biyo badan dhigeen waddooyinka magaalada iyaga oo sababay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Roobabka oo watay qabow iyo biyo badan ayaa waxay saamaynta ugu badan ku yeesheen dadka barakacayaasha ah waxayna biyahu goobaha qaar qaadeen gurayahii ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah kuwaasi oo markii horeba cooshado ka samaysnaa.

Maamulka Jubbaland ayaa maanta qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda dadka barakacayaasha ee ay waxyeeladu kasoo gaartay roobabkii magaalada ka da’ay.

Qaar kamid ah xeryaha barakacayaasha ayaa waxay rooobabku sababeen khasaare nafeed waxaana la xaqiijiyey geerida labo ruux, sidoo kale waxaa ku le’day xoolo badan.

Kaddib roobabka khasaaraha badan geystay ee ka da’ay magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa Shir isugu yimid madaxda Jubbaland waxaana shirka looga yeeray hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo odoyaasha dhaqanka, kulankaan ayaa ujeedadiisu waxay ahayd sidii si deg deg ah loogu gurman lahaa dadka ku guryo beelay roobabka ee ku nool xerooyinka barakacayaasha.

Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo kuxigeenkiisa labaad suldaan Cabdulqaadir Luga dheere oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada in ay deg deg ah ugu gurmadaan dadka dhibaateeysan, isago xusay in ka maamul ahaan ay dadkani u diyaariyeen dhulkii ay degi lahaayeen loona baahan yahay sidii hoy loogu dhisi lahaa.

DAAWO SAWIRRADA:

Ceegaag Online

Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply