Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxaan manta siweyn looga xusay maalinta caalamiga ee dhirta iyo deegaanka .
Munaasabada ayaa waxaa qeeb ka haa Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed Madowbe iyo madaxweyna ku xigeemka labaad Cabdi Qaadir Luga dheere iyo qaar ka tirsan wasiirada maamulka Jubbaland.
Wasaarada Beeraha, kaluumaysiga iyo Xoolaha oo waday mashruuc lagu beerayo geedaha ayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbalan oo geedkii ugu horeyay ku beeray xarunta madaxtooyada asgoona ka hadalay ayaa sheegay in ay si ka darann Al shabbaab ula dagaalami doonaan Dadka Xaalufina Dhirta.
Sidoo kalae waxaa madasha ka hadlay wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga Prof Max’ed Aadan Jaamac iyo qaar ka tirsan wasiirada maamulka KMG ee Jubbaland oo dhamaantood si wada jir ah u soo dhaweyay hadlaka ka soo yeeray Mdaxweynaha maamulka Jubbalan sheegaygna in ay ka qeeb qaadan doonaan Kobcinta Dhirat iyo Bilicda Deegaanada Jubbaland.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina