Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweeynaha Jubba oo Kormeeray qaar kamid ah Xarumihii ay ku shaqeyn jirtay dowladii hore

Madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kormeer kusoo maray xarumo ay kamid tahay xaruntii hore ee lagu keydin jiray shixnadaha kasoo dega dekedda Kismaayo iyo goobo ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya oo dhawaan laga saaray dadkii deganaa.

Madaxweeynaha iyo xubnihii wehlinayay ayaa ugu horeyn kormeeray xarunta keydka dakadda, taasoo burbrusanayd tan iyo wixii ka dnabeeyay markii ay burburtay dowladii hore ee Soomaaliya.

Madaxweeyne ku xigeenka labaad ee Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere oo goobta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in booqashadooda ay tahay mid ay ku indhoindheynayaan xaruntan iyo weliba dayactirka ay u baahantahay, wuxuuna xusay in dhawaan ay howlgelin doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dekeddu tahay mid ay kusoo xiran karaan maraakiibta ganacsiga nooc walba ay yihiin islamarkaana ay la mid tahay dekedaha kale ee caalamka.

Masuuliyiintan ayaa ugu danbeyntii kormeeray xarumo dhawaan laga saaray dadkii degenaa kuwaasoo ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya.

 

Xafiiska wararka Ceegaag

Kismaayo-Soomaaliya.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply