Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Sheekha wayn ee sheikh Umul oo ah daaci diinta Islaamka ka faafiya magaalada Nayroobi ee wadanka kiiniya oo baryahan socdaal ku marayay deegaanada Kililka iyo Gobolada waqooyi Galbeed, Togdheer iyo gobolka Sool oo uu haatan soo gaadhay.
Koox diimeedka Al-ictisaam oo ku muujinayay awoodooda Aqlabiyad Shacab ee ay ka haystaan dadka Soomaalida reer Waqooyiga siiba kuwa reer Khaatomo ee ku dhaqan Laascaanood ayaa si cad ula saftay maamulka Somaliland oo xoog ku jooga deegaanada Khaatumo kadib markii sheekha ladaba istaajiyay askari sita diarayska calanka Somaliland, tasoo ahayd waxaan loo baahnayn. Soo dhaweentan culus oo ay ku baxday lacag aad u badan ayaa shalay loogu sameeyay sheekha duleedka Laascaanood.
Sidoo kale waxaa goobta lasoo dhoobay horgalo Gacankudhiiglayaal ah iyo Isimo macmil ah oo ay Maamulka Somaliland u samaysaytay deegaamadan, Kooxda Al-ictisaam oo horay uga falaagoobeen kooxda Al-shabaab koofurta dalka ayaa hadana bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay durdaba soo ifbaxaso khilaaf ku salaysan fikir siyaasadeed waqooyiga dalka, arintan oo hadii aan laga feejignaanin keeni doonta dagaal diimeed ka bilowda deegaanadan.
Sh. Umul ayaa laga sugayaa inuusan ka gabanin oo uu ka hadlo waaqiciga ka jira Laascaanood Siyaasad ahaan, dhinaca arimaha Bulshadana Qaadka qaaday Soomaalida siiba reer Laascaanood. Dhinaca Maamulka Khaatumona waxaa laga dhawrayaa inay ka hadlaan go’aana kasoo saaraan balse aysan ka timowaynin khatartan Al-ictisaam kusoo kordhiyeen deegaanadii ay Somaliland ka haysato Khaatumo.
Ceegaag.com
Figradihiina