Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad siweyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeygaleen qeybaha bulshada oo lagu furayey siyaaxi hotel and restaurant ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.
Furitaankii ugu horeyn waxaa ka hadlay masuul kamid ah masuuliyiinta siyaaxi hotel IBRAAHIM Hilowle ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey ka qeybgalayaashii ka soo qeybgalay wuxuuna yiri siyaaxi hotel waxaa furay ganacsade soomaaliyeed oolagu magacaabo xaaji haaruun xuseen ibraahim wuxuuna ufuray bulshada soomaaliyeed , waxaa kale oo uu sheegay in siyaaxi hotel lagu soo kordhiyey macaamiisha wax ay ku farxaan sida qofwalbana qolkiisa waxa uu ka helli doonaa internet, tv, iyo wax walba oo ay naftiisa ka maqsuudo.
Magaca aqoonyahanka waxaa ku hadlay AVV- sheikh c/raxmaan xuseen samatar oo ku dheeraaday ayaa sheegay in aqoonyahanka iyo ganacsatada ay yihiin laba qolo oo xoogbadan sameynkarana wax wanaagsan ahna lafdhabarta bulshada soomaaliyeed kana qeybqaadan kara dhisitaanka bulshada wuxuuna mahadnaq usoo jeediyey milkiillaha siyaaxi hotel XAAJI HAARUUN XUSEEN IBRAAHIM oo hoteelkan geliyey lacag farabadan si uudalkiisa uqurxiyo una camiro wuxuuna kula dardaarmay inshaqaalaha ka shaqeeya siyaaxi hotel ay ahaadaan kuwa hella xuquuqdooda wuxuuna ganacsatada kula dardaarmay inay xaaji haaruun kudaysadaan wuxuuna yiri( DAL DADKIISAA DHISA) UMADD AAN GANACSADE WANAAGSAN AAN LAHAYN WAA GEEDI AAN SAHAN LAHAYN.
Magaca ganacsatada waxaa isna ku hadlay xaaji abuukar cusmaan kana mid ah ganacsatada DUBAY iyo SOOMAALIYA wuxuuna ku tilmaamay in milkiilaha siyaaxi hotel uu yahay shaqsi lagu yaqaano dhismaha dalka iyo dadkaba markastana waxa uu horsed ka ahaa sidii muqdisha ay unoqon lahayd caasimada ugu quruxda badan aduunka, waana riyooyin uu markasta ku riyoon jiray waxaan isleeyahay wey uhirgashay manta haduuba muqdisha ka furay SIYAAXI HOTEL lacagbadana uu geliyey sanado badana la dhisayey , ganacsade xaaji abuukar cusmaan ayaa halkaasi kaga dhawaaqay inuu furanyahay siyaaxi hotel .
Dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa CAAQIL nuur bocor jeelle oo ku hadlayey dadka dhaqanka iyo c/raxmaan caadlle oo isna ku hadlayey codka dhalinyarada ayaa cadeeyey inay ku faraxsanyihiin meesha hoteelka laga sameeyey inay qiimo weyn ugu fadhido dadka degam magaaladda muqdisho waxayna hoosta ka xariiqeen inay kamid noqondoonaan macaamiisha ku xiran .
Gabagabdii waxaa ka duceeyey islow c/naasir ugaas nuurre oo ugu duceeyey milkiilaha hotel siyaaxi inuu ubarakeeyo maalkiisa.
Xafladiina waxay ku soo gabagabowday si quruxbadan dadkana ay uriyaaqeen .
SIYAAXI HOTEEL WAXA UU KU YAALAA ISGOYSKA K.B.B. WUXUUNA DHANKA QORAX KA SOOBAX KA XIGAA MASJIDKA SHEEKH CALI SUUFI NOQO MACAAMIISHIISA
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
Muqdisho, Soomaaliya
Figradihiina