Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay dawooyin iyo cabitaanno aad u badan oo dhacay kuwaasoo ay kasoo ururiyeen goobo ganacsi iyo goobo caafimaad oo ku yaal magaalada Kismaayo, iyadoo shixnadahaani lagu gubay goob qashinka lagu gubo oo ku taal duleedka magaalada Kismaayo.
Cabitaannada iyo dawooyinkan dhacay ayaa waxa soo qabatay waaxda fayadhowrka ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland, waxaana dawooyinka lasoo bandhigay intooda badan laga soo ururiyay goobo caafimaad oo waaweyn.
Waa kan Dr. Axmed Taajir oo ka tirsan gudiga fayadhowrka ee dawooyinka soo qabtay oo faahfaahin ka bixinaya waxyaalaha ay soo qabteen iyo weliba goobaha ay kasoo ururiyeen asgoona carabka ku dhufaty in Daawada dhacaday ka soo aruuriyeen kedadaka ay leeyihiin Hay’adaha ICRC, ARC, Bisha-cas, Cisbitaalka Kismaayoiyo goobakale oo waa wayen.
Goobta ayaa waxa iyana ka hadlay gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahin Timo Jilic waxayna si wada jir ah u sheegeen in tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono qofkii lagu arko asagoo wax dhacay iibinaya.
Talaabadan lagu ururinayo walxaha dhacay ayaa ah mid hore loo qaaday maadaama xilliyadii hore aysan jirin cid dabagal ku sameeysa waxyaalaha ay ganacsatadu ka iibiyaan dadka shacabka ah.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina