Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maleeshiyaad Beeleed la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Marka kadib……………..

Mid ka mid ah malleeshiyooyinkii ku dagaalamay gobolka Shabeellada Hoose labadii tododbaad ee ugu dambeeyay ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal 3:00 habeenimo ee xalay billowday ayay malleeshiyadan ugu suurogashay inay la wareegaan Marko, iyadoo dagaalkaas la sheegay inay ku naf-waayeen in ka badan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa.

Sidoo kale, dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro ka badan afartameeyo qof oo ka mid ah malleeshiyooyinkii dagaalku u dhexeeyay, iyadoo dagaalkan uu ka billowday Buufoow oo aad ugu dhowr Marko, uuna dagaalku saakay gudaha u galay degmada Marko.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa Ceegaag Onliane u xaqiijiyay in malleeshiyo ka mid ah kuwii ku dagaalamayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay gudaha u galeen degmada, ayna jirto cabsi laga qabo inay dhibaatooyin ka geystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax tallaabo ah weli qaadin, iyadoo guddoomiyihii degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisoow iyo ilaaladiisii ay xalay isaga baxeen degmada Marko, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siiddii ayaa VOA-da u sheegay isagoo Muqdisho ku sugan inuu wado dadaallo dagaalladan lagu qaboojinayo, isagoo xusay in dagaalladan ay markii hore ka billowdeen muran dhul, balse la siyaasadeeyay.

“Inta aan ogahay dagaalladan waa markii 14-aad oo beelahan ay ku dhexmaraan gobolka Shabeellada Hoose, runtiina waa dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwo ka haray, waana ka xunnahay inay dagaalladan noqdaan kuwo sii socda,” ayuu yiri C/qaadir Siiddii.

Waxgaradka iyo culummada Soomaalliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalku uu ku dhexmarayo gobolka Shabeellada Hoose inay si dhaqso ah ku joojiyaan ayna khilaafaadkooda si nabad ah ku xalliyaan.

Xaaladda degmada Marko ayaa kacsan, iyadoo dadku ay ku jiraan guryahooda, ma jiraan wax ganacsi ah oo furan, iyadoo kooxaha degmada la wareegay ay baaritaan ka wadaan xaafadaha degmadaas ay ka kooban tahay.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply