Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleed ka socda gobolka Shabeellaha hoose oo sababay dhibaato soo gaartay dad rayid ah.
Danjiraha ayaa ku taliyay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isagoo dhinacyada dagaallamaya ujeediyay inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal, nabad iyo isu-tanaasul.
Wuxuu soo dhoweeyay dedaalka uu sameeyay raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ee xalka loogu raadinayo xasaradda taagan.
Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay soo dhibtoodeen in ku filan, isla markaana ay og yihiin in aanay wax wanaag ah ka imaaneyn colaad hor leh oo hadda la galo.
Wuxuu xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dedaal kasta oo xal loogu raadinayo colaaddaas.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina