Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
.Sheekh maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay marin habaabinta ay kooxaha xagjira ah ee (Al-Shabaab) ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay kuwa ka tirsan inay ka soo laabtaan.
shiikh UmalIsagoo ka hadlay magaalada Garowe ayuu Sheekhu sheegay in carruurta iyo dhallinyarada ka yar labaatanka sano ay u nugul yihiin inay qaataan fikirka khaldan ay wadaan kooxaha diinta ka beensheegaya ee dalka ka jira.
“Da’yartu waxay u jilicsan tahay afkaarta qarriban (Khaldan), gaar ahaan marka ay afkaartu shaati diimeed qabto da’yartu aad bay ugu jilacsan yihiin, maxaa yeelay ka fiirsi ma leh, aqoon ku filan ma leh, waayo aragnimo ma leh marka si fududbuu isugu tuurayaa oo waa la duufsan karaa waana tan maanta noo muuqata” Ayuu yiri Sheekhu.
Wuxuu intaa ku daray in aragtidan hadda waddanka dhibaateysay dadka lagu qalday ay u badan yihiin dhallinyaro “Bal waxaad u fiirsataa dadkaas umaddooda gubaya ee is-qarxinaya ee dadka laynaya Afartan jir is-qarxinaya ma arkaysid, War afartan jirku Janno ma rabo miyaa? Maxay tahay Jannada uu 14 jirku arkay(Rabooday) ee uu afartan jirku arki waayay”
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in qofka weyn xataa hadduusan cilmi lahayn uusan aqbalaynin wax kasta oo uu ka fiirsanayo halka carruurta yaryar lagu khaldayo si fudud ayadoo laga faa’iideysanyo diin jaceylkooda. Dhallinyarada iyo dadka kale ayuu uga digay in lagu khaldo fikirkaasi.
Figradihiina