Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Jubbooyinka Qadar Max’uud Xareed, tafatiraha idaacadda Radio Kismaayo Happy Bashiir Sheekh Aadan iyo Wariye Mascuud C/laahi Aadan ayay manta saldhigga uga yeereen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, iyagoona xabsiga dhigay.
Wariye khaddar ayaa saxafada la hadalay markii ay mudo kooban ku xirmnayeen xabsiga dhexe ee magaalada kismaayo “waxaan xirneen muddo shan saac ah aniga iyo wariyaasha kale waxaan dib naloo siyay xorriyaddeenii oo banaanka ayaan u soo baxnay ilaa iyohadana nalooma sheegin waxii nalagu xiray” ayuu yiri wariye khaddar
Suxufiyiinta ku dhaqan magaalada Kismayao ee xarunta gobolka J/hoose ayaa manta si kulul u cambaareeyay xarig ay ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland u geysteen xubno ka tirsan ururka suxufiyiinta Jubooyinka ee magaciisa loosoo gaabiyo JIJA.
Dhanka maamulka KMG ah majiraan cid ka hadashay xariga wariyaasha kismaayo lagu geysaty maanta.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina