Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shir xaga Isgaadhsiinta ah oo ay yeesheen Gudiyada Jaaliyadaha Beesha Daarood ee Yurub, Australia, North America, iyo Khaliijka. ayaa lagu go’aamiyay is si toos ah laysaga caabiyo duulaanka qaawan ee ay beesha Isaaq kusoo qaaday deegaanda Beesha Daarood ee Sool Sanaag Iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo. Baaq ay soo saareen Shirkaa dabaeed ayaa u qornaa sidatan.
Date: 15/06/2014
Ku: Dhamaan Isimada Dhaqanka ee Daarood
Ku: Dhamaan Cuqaasha iyo Waxgaradka Daarood
Ku: Dhamaan Ururada Bulshada iyo Haweenka Daarood
Ku: Qurbajoogta Daarood ee Qaaradaha Aduunka kala degan
Ujeedo :Xoreynta iyo Difaaca deeganada Daarood ee Sool, Sanaag iyo Cayn ee Waqooyiga Somaliya.
Waxaan Qoraalkan ku bayaaminaynaa in aan loodulqaadan Karin Dhulbalaadhsiga iyo Tacadiga joogtada ah ee kasocda degaanada Daarood ee SSC oo ay masuulka yihiin Kooxda astaanta kadhigatay Somliland ee ku eg degaanada Hargaysa, Berbara iyo Burco iyagoo ah Qabiilka mid ah Qabaailadda wax kadega Waqooyiga Soomaaliya.
Haddii aan nahay Qurbajoogta Daarood ee Dacalada aduunka kukala nool, waxaan si cad oo aan kala hadhlahayn u sheegaynaa inaan u taageersanahay qabaailka Darood ee kunool gobolada SSC, anagoodiyaar u ah xoreynta iyo difaaca dhulka Daarood ee Waqooyiga Somalia.
Anagoo tixgelinayna Islaamnimada iyo wadanoolaashaha umadda Soomaaliyeed , waxaanugu baaqaynaa in ciidamada ku sooduulay deegaanka Daarood ay kagabaxaanmuddo 48 saac. Haddii Taas la waayo waxaanka digaynaa cawaaqibxumo iyo Burbur ka dhexdhalata umadda Soomaaliyeed ee wadadegta oo ay masuuliyadeedana ay yeelanayaan qabaailka sheeganaya magaca Somaliland.
WA BilaahiTawfiiq.
Qurba joogta Daarood ee dacalada Aduunka kukalanool.
Figradihiina