Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay dagaal shalay gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada ammaanka maamulka Jubba iyo Maleyshiyo beeleedyo.
Dagaalkii shalay ayaa inta la ogyahay galaaftay nolosha afar qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo maleyshiyo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen bartamaha magaalada, isagoo xusay in hadda lasoo afjaray.
Masuulkan ayaa xusay in xaaladda magaalada ay imika tahay mid dagan isagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wixii qalqal u keeni kara ammaanka magaalada.
Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray ganacsato ka timid dalka Imaaraadka, kuwaasoo sheegay in ay maalgeshi ku sameyn doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Xubnahan ayaa soo kormeeray dekedda magaalada Kismaayo, waxaana intaasi ka dib ay tageen xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kula kulmeen madax ka tirsan maamulka Jubba.
Gudoomiyaha ganacsatada Jubooyinka Shaafi Raabi Kaahin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan ganacsatada magaalada soo gaartay, arintaas oo uu sheegay in ay suurogeliyeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha.
Daawo Warkaa XUquuqdiisa waxaa iska leh KALSAN.tv
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina