Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu uga hadlay arrimo kala duwan.
Ugu horayn Afhayeen Seeraar ayaa soo dhoweeyey is afgaradka laga gaaray dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya kaasi oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.
Seeraar waxa uu guul ku tilmaamay in dhinacyadii ku muransanaa maamulka lixda gobol iyo kan saddexda in ay ku isku raaceen dhismaha maamul goboleed saddex gobolka ah kaasi oo ka kooban gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Afhayeenka Jubbaland waxa uu shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu taageeri doono qorshaha lagu dhisaayo maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee ka kooban saddexda gobol.
Dhanka kale Afhayeenka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax waxa uu cambaareeyey dagaalada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hubkii iyo ciidankii dowladda lagu gumaado dad rayid ah taas oo uu ku tilmaamay xasuuq ba’an.
Waxa uu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatada ay masuulka ka tahay ee ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba hadalka afhayeenka Jubbaland ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli siyaasiyiintii ku muransanaa maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ay maanta magaalada Muqdisho ku wada gaareen heshiis ah in la dhiso maamul goboleed ka kooban saddex gobolka taas oo meesha ka saaraysa hindisihii ahaa samaynta maamulka lixda gobolka, heshiiska maanta oo lagu saxiixay gudaha madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saddexda masuul ee ugu saraysa Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday beesha caalamka.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina