Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bandhig Dhaqameed Xalay lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

Bandhig dhaqameed ay soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaaada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay bandhiggaas.

Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, wasiiradda Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiir-u-dowlaha maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur, xildhibaanno iyo boqolaal dadweynaha ah ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay bandhiggaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo bandhig dhaqameedka gaba-gabadiisa ka hadlay ayaa ugu u mahad-celiyey qaban-qaabiyayaasha barnaamijka, isagoo ku tilmamay inuu yahay banaamij qiimo weyn ugu fadhiya Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan marka hore u mahad-celiyo qaban-qaabiyayaasha barnaamijkan quruxda badan, waxaa ammaan gaar ah mudan hobollada Waabari ee bandhig xiiso leh sameeyay kaasoo socday saacado badan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqanku uu yahay meesha ay ummadi ka nooshahay, isagoo wasaaradda warfaafinta ku dhiirri-geliyay in ay sii waddo bandhigyada sidaan oo kale ah isla markaana gobollada dalka oo dhan la gaarsiiyo.

“Dhaqanka waa meesha ay ummadi ka nooshahay waana mid aan si weyn ugu faanayno dhaqankeena. Boqalaal sano ayaa dhaqanka la isku soo gud-binayay, waa inaan taariikhdeennii hore haynaa mid cusubna sameynaa. Wasaaradda warfaafinta waxaan ku dhiirri-gelinayaa inay gobollada dalka oo dhan gaarsiiso,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday bisha barakeysan ee Ramadaan iyo toddobaadka xorriyadda ee ay labaduba nagu soo fool leeyihiin.

“Dhawaan waxaa nagu soo socda labo arrimood oo muhuum ah. Mid waa bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay ummadda muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed Ramadaan Kariim. Waxaan ku boorrinayaa inaan ka faa’iideysanno ajarka ay leedahay bisha Ramadaan, la iskuna naxariisto, midba midka uu ka roon yahay ha afuriyo. Sidoo kale waxaa nagu soo socda toddobaadka xorriyadda sida 26 Juun, 27 Juun iyo 01-da Luuliyo oo ah maalintii midnimada. Waxaan leeyahay aanu weyneyno maalmahaas taariikhiga ah. Waa maalmo qiimo ku leh Soomaalida oo dhan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa mahad gaar ah u jeediyay saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay howlahooda halkaas kasii wadaan oo aysan baqin. iyadoo ay ka qaybgaleen bandhiggan kooxo ka kala socday gobollada dalka qaarkood.

DAAWO SAWIIRADA:

 

 

 

Ceegaag Online 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply