Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hayada samafalka ee qadar charity ayaa deeq wax ku ool ah uqeybisay qoysas gaaraya 422 qoys kana mid ah qoysas danyar ah oo ku sugan magaalada muqdisho.
Deeqdan ayaa waxay ku soo aaday diyaar garowga bishii barakeysneyd ee ramadaan taas oo ay ukaalmeysan doonaan howlaha ramadaanka sida afurka iyo saxuurta, ugu horeyn waxaa kelimad ka jeediyey sheikh c/xayi sheikh aadan oo ah khadiibka masjidka cumar binu khidaab ee magaalada muqdisho, sheekha ayaa ku booriyey inay dadka soomaaliyeed isku kaalmeeyaan aadna isaga warqabaan ducadana ay badiyaan, isla markaana ay ku daydaan dadka muxsiniinta ah ee sookaalmeeyey qoysaskan iyagana ay siikaalmeeyaan dadka kale.
Madaxa xafiiska soomaaliya ee hay’adda qadar charity Maxamed Xuseen Cumar ayaa sheegay in qoyskan ay ku soo xuleen habda sida ay u kala daranyihiin, waxaana uu intaa ku daray in ay sii wadayaan kaalmo u fidinta qoyska danyarta ah ee Soomaaliyeed isaga oo markawaramaya marxaladihii uu soo maray barnaamijkan qoysas kaalmeynta ayaa sheegay inuu ka bilowday laba qoys hadana uu siimarayo 422 QOYS rajana laga qabo inuu siibato isagoo codsaday dadka ka faa,iideystay barnaamijkan inay uduceeyaan cid alle cidii gacan ka geysatay .
Dhanka kale ka faa,iideystayaashii deeqdan ayaa kamahadceliyey sida wacan oo markasta loosoogaarsiiyo waxayna dhankooda cadeeyeen inay aad ugu faraxsanyihiin xilli ay ubaahnaayeena ay soogaartay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa uga mahad celiyay hay’addan sida ay mar walba u taageerto dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed, isagoo hay’adaha kale ku booriyay inay gar gaar u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay soo dhawdahay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Hay’adda Qadar Charity ayaa ah hayad wax weyn ka qabatay dalka soomaaliya iyadoo xooga saarta wax uqabashada agoonta,waxbarashada, caafimaadka iyo wax walba oo bulshada soomaaliyeed wanaag uhorseedi kara deeqdaana waxay ku soo aaday xilli ay ubaahnaayeen dadkii ka faa,iideystay.
Figradihiina