Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka socda dalka inay yihiin kuwo lagu taageerayo Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaas, haddii kale ay ogaadaan inay taageerayaan kuwa nabadda kasoo horjeeda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas la joojiyo, isagoo uga digay beelaha Soomaaliyeed inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaashaha dalka.
“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ka socda gobollada dalka qaarkood, sida Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Galguduud, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolladaas kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.
“Walaalaha Soomaaliyeed ee gobolladaas ku nool waxaan u sheegayaa inay ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab, haddii aad ku talo-gasheen iyo haddii aadan ogeyninaba,” ayuu yiri madaxweynuhu intaas ku daray.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen in dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobollo ka tirsan dalka ay xukuumad u dirtay wafdiyo heer wasiir ah si ay dagaalladaas u joojiyaan.
Ceegaag Online
Figradihiina