Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA .oo dhaqaalo u ururisay Waxbarashada degmada Boocame

Qurba Joogta Reer Boocame ayaa Guulo la taaban karo ka gaadahy Shir ay lahaayeen  Axadii la soo dhaafay ,Kulankan oo Diirada lagu saarayey Waxbarashada Boocame ayaa lagu gaadhay Qorshayaal muhiim ah sidoo kalena loogu ururiyey Deeqdii ugu badnayd ee Shcoolada Boocame loo ururiyo.
,Waxaana Qorshhana Cusub Hormuud ka ahaa Aqoonyahan Maxamed  Faarax Maxamuud (Dhilo cassar) iyo Aqoonyahano kale oo ka soo jeeda Boocame.
 Arintan ayaa Waxaa si gaar ah  oo Xusid mudan isaga saaray  Aqoonyahan  Maxamed Faarax Maxamuud Dhiilo-Casar.Aqoonyahankan ayaa u sameeyey  Schoolada Boocame hay-ad Caawisa .isagoo sidoo sheegay inay Hay-Addani tahay mid sadaqo ugu deeqaysa Waxbarashada Deegaanka.
Hay addan oo uu ugu magacdaray Aabihiis Faarax Maxamud Saleebaan Dhiil-Casar ayuu wuxuu u bixiyey DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
 Faarax Maxamuud Saleebaan oo la odhanjiray Dhiilo Casar Waxa uu ka mid ah Halyeyada Soomaaliyeed oo u soo halgamay Waddaniyada Soomaaliya Isagoo  Dhiilo Cassar lagu Xasuusto oo lagu Yiqiinay inuu ka mid ahaa Saraakiishii Soomaaliyeed ee Waddaniyada lahaa uuna ku caanbaxay  Wadaninimadiisa ka dib markuu ka hortagay kala Go,O Soomaaliya Xilliyadii 1961-1962, xilligaas oo dadka qaar u yaqaanaan (inqilaabkii Xassan Keyd).
Hay adda    DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA ayuu sheegay inuu Maxamed Bilwalba bixin doonto $1.000. 12ka biloodna ay noqondoonto $12.000 kun oo doolar.Wuxuuna waliba sanadkan  Maxamed Faarax sheegay inuu bixiyey oo kudaray  lacago Dheeraad ah  oo ah ugu yaraan $3.000.
Maxamed farax wuxuu kaloo sheegay inay Jaaliyada Reer Torono ku dareen Dhawrkun oo doolar taasoo uu  Xaqiijiyey inay iyadana hada ku jirto accountiga Hay-adda  DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
Arintan ayaa waxay noqotay midyididiilo  unoqotay  Qurba jooggta Boocame ee kasoo qayb galay shirkaasi ,waxayna noqotay arin dhiiri galin galisay dadbadan oo horay uga caajiay waxbarashada taasoo markii danbe lagu  dhiiraday  inay Dadbadani  ku  yaboohaan Deeqo badan, Waxaana Shirkii looga Duceeyey Maxamed Faarax Dhiilo Casar iyo sidoo kale Aabihiis farah.Mahamuud saleebaan.dhiilo casar.
Waxaana  isla kulankii  laga soo dhexjeediyey in magaca dugsiga sare  ee Boocame loo bixiyo  Faarax Maxamuud Saleebaan (Dhiilo-Casar),si loogu xasuusto Faarax Maxamuud Saleebaan maadama uu ahaa Halyey Soomaaliyeed oo midnimada iyo Wadaniyada umadda Soomaaliyeed door wayn ka soo qaatay ,arintaasoo aad loo dhaweeyey kolkii danbana la isku raacay.
Sidoo kale Masuuliyiin iyo Aqoonyahanada Reer Boocame  ayaa ku tilmaamay  inay tahay Abaal marin maadama uu walaalkeen ina dhiiri galiyey oo waxbarashada Deegaankii Boocame hay ad u sameeyey Door fiican ka qaadatan doonta waxbarashada Deegaanka.
 Maaha markii ugu horreysay ee loo bixiyo Masuuliyiinta Halyeyada ah Schoolada Boocame waxaana hadda ka  hor loo bixiyey Dugsiga Hoose Dhexe ee Boocame,Halyey Caanka ahaa Daraawiishtii oo ka soo jeeda Deegaanka ,kaasoo la odhanjiray Awcabdulle-Ibraahin Boocame.
  DEEQBIXIYAYAASHII XUSIDA GAARKA AH MUDNAA EE JAALIYADA QURBA JOOGTA DEGMADA BOOCAME OO AAN KA AHAYN MAXAMED FAARAX.
Waxaa iyaguna xusid gaar ah mudannaa   Aqoonyahanadii Doorka waxbarashada Sanadkan Wacdaraha ka muujiyey kuwaasoo una Ololaynayey Doorw wanaagana ka qaatay Deeqaha Waxbarashada korloogu qaadayo.
1-Xuseen Aadan Faarax $1.000 USA Bostan.
2-Xuseen Cismaan Lugatoor $1.000 Italy
3-maxamud Xasan Cabdi Faragod $1.000 Uk
4-Caaqil abdiraxamaan Caynab Faarax Midhaaf $1.000USA California.
5-Dr.Aadan Jaamac Muuse Dhagaweyne $1.000 Italy.
6-Mubaarag Axmed Sahal Shire $1.000 Canada Toronto.
7-Inj.Aadan Jaamac Dhagcas $1.000 USA Ohio.
8-  C/Raxamaan Ciise Xamari $1.000Toronto.
                   Totall guud = 8.000$.
waxaa Xusid Mudan Ganacsato ay ka midyihiin Ganacsatada Africa oo   lixda  ah oo ku yaboohay deeqo . Deeqbixiyayaasha ayaa waxaa ugu deeqeen midkiiba bixiyey$ 2.000 isugeyni waa  $12.000.
Waxaana ka mid ahaa.
a.Dr.Cabdirashiid Faarax Yuusuf Dacar 2.000
b.Cabdiweli Faarax Yuusuf Dacar  $2.000
c.Mursal Yuusuf aw Muuse $2.000$
d.Cadul Muuse Jaamac Cawlu $2.000
e.Cabdi daahir Muuse Jaamac Cawlu $2.000
f.Cabdi casiis Muuse Jaamac Cawlu &2.000
Totlalka ay ganacsatadani bixisay ayaa ah 12.0000 kun oo doolar.
Waxaa Xusid Mudan jaaliyadaha Qurba joogta khaasatan Waqooyi America ayaa iyagu si wanaasan uga soo qayb galay Shirka khaasatan Canada,Bostan,Ohio, MN, iyo Jaaliyadaha yurub qaybo ka mid ah inkastoo aanay badnayn waxaana ka mid ahaa  Uk,Switzer,Italy.iyadoo shirka looga baaqay inay qorshaha horumarka iyo waxbarashada Deegaanka qayb ka qaataan Jaaliyaduhu.
Waxaa kaloo Xusid Mudan in Deeqbixiyaasha Dhaqaalahoodu ka yaraa 500-200 inay iyaguna ahaayeen kuwa badan oo xuid mudan hasa ahaatee aan u dooranay xillan masuuliyiinta sare ku xusan.
Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo dhaqaalo intaas le-eg oo waxbarasho loogu Yabooho.
Aqoonayahn Maxamed Faarax Dhiilo Casar ayaa isaguna noqonaya Aqoonyahankii ugu horeeyey  ee Deegaanada SSC  ugu deeqaya sanadwalba 12.000 kun oo dolar,una sameeyey hay ad gaar.
Shirka  ayaa ugu danabyntii waxaa lagu sameeyey guddi ka shaqaysa Baahiyaha Waxbarashada  iyo Ururinta Deeqaha lagu yaboohay sidoo kale la shaqaysa Hay-adda DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
Gudiga ayaa waxaa ka mid ahaa .
1-Maxamed Faarax Maxamud saleebaan(Dhiilo Casar) Toronto.
2.Xuseen Aadan Faarax Boston,Usa.
3.Cabdiraxamaan Caynab faarax miraaf USA,california.
4.Feysal Diiriye Cismaan USA MN.
5.Sheekh Maxamud Xasan Cabdi Faragod UK .
6.Xuseen Cismaan Lugatoor Gebiley ITALY.
7. Marwo Siciido Jaamac Nuur .USA. MN.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag