Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabad loo dhigay ardaydii ugu horaysay ee ka qalin jebisa Jaamacadda Jubbada Hoose ee magaalada Kismaayo ayaa ka dhacday hoolka shirarka Warwanaag ee magaalada Kismaayo.
Xafladda oo ahayd mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, masuuliyiin ka socday maamulka Jubbaland, xubno metelaayey bahda waxbarashada gobolka Jubbada Hoose iyo marti sharaf kala duwan.
Maxamed Sheekh Khadar madaxa Jaamacadda Jubbada Hoose iyo Siraaji Sheekh Aadan oo ka mid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda ayaa madasha hadallo kala duwan kasoo jeediyey.
Madaxa waxbarashada Jaamacadda Jubbada Hoose Dr. Maxamed Shaafi Nuur ayaa sharaxaad ka bixiyey kulliyado cusub oo Jaamacadda lagu soo kordhiyey, isagoo sidoo kale faah faahin ka bixiyey tirada ardayda qalin jebisay iyo waxa ay soo barteen.
Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Dr. C/rashiid Cabdullaahi Goonni, Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Jubbaland Dr. Axmed Sadiiq iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Jubbaland ayaa madasha kasoo jeediyey hadallo hambalyo, bogaadin iyo dar daaran ah.
Intaasi kaddib ayaa waxaa sahaadooyin iyo abaalmarino kale la guddoonsiiyey ardayda qalin jebisay oo ka koobnayd 11 arday kuwaasi oo muddo afar sano ah soo baranaayey madooyinka caafimaadka isla markaana qaatay shahaadada Pachilor Degree.
Fartuun Cabdulqaadir Shariif oo ahayd halka gabar ee ku jirtay ardayda qalin jabisay ayaa ka hadashay dareenkeeda ayaa kula dardaarantay gabdhaha Soomaaliyeed in ay waxbarashada u istaagaan.
Jaamacadda Jubbada Hoose oo afar sano ka hor laga hirgaliyey magaalada Kismaayo ayaa soo saartay dufcaddii ugu horaysay oo soo baratay caafimaadka, waxaana jira arday heerar kala duwan maraaya oo xilligaan waxkabarta Jaamacadda.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina