Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay uuna hoggaaminaayey madaxa guud ee hay’adda UNOCHA Johon Ging, waxaana ka mid ahaa xubno sar sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan sida u qaybsamaha gargaarka Bini’aamnimo ee Soomaaliya Philipe Lesarani iyo xubno kale oo muhiim ah.
Daawo Kalsan Tv
Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo kula kulmeen masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo kusimaha madaxweynaha Jubbaland Cabdulqaadir Lugadheere xubnaha golaha wasiirada iyo maamulada gobolka Jubbada Hoose iyo degmada Kismaayo.
Is xog waraysi kaddib waxay wafdigu soo kormeereen deegaanka Dalxiiska oo dhowaan uu maamulka Jubbaland dib u dejin uga sameeyey barakacayaashii ku guryo beelay roobaabkii ka da’ay magaalada Kismaayo.
Wafdigaan ka socday Qaramada Midoobay ayaa indhahooda kusoo arkay dhibaatada haysata dadkaasi oo la daalaa dhacaaya dhibaatooyin ay kamid yihiin cunto la’aan, hoy la’aan iyo daryeel la’aan guud.
Kormeerka kaddib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere iyo Johon Ging madaxa hay’adda UNOCHA ee New York oo wafdiga hoggaaminaayey.
Xubnahaan ka socday Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in ay si deg deg ah wax uga qabanaayaan dhibaatooyinka haysta barakacayaasha Kismaayo, waxayna sheegeen in ay jawaab deg deg ah oo wax qabad bixin doonaan.
Wafdigu intii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo waxay booqdeen xarumo uu kamid yahay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Sikastaba imaanshaha wafdigaan ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo aaday xilli ay xaaladdo adag wajahayaan barakacayaasha Kismaayo, iyadoo si guud looga qabsi qabo in deegaano kamid ah Soomaaliya ay macaluuli ka dilaacdo duruufo jira awgood.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina