Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dadka Reer Kismaayo oo ku Baraarugay Wax-Barashada iyo oo Maanta Dhamaysay ku dhawaad 117-Arday (DAAWO SAWIRRADA)

Munaasabad loo dhigay ku dhowaad 117-arday oo ka qalin jebisay qaybaha mahcadka iyo Jaamacadda ee Jaamacadda Kismaayo ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda ee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qayb galay maamulka, macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda, bahda waxbarashada gobolada Jubbooyinka, xubno metelaayey maamulka Jubbaland, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Tirada ardayda qalin jebinaysa oo ahayd 117-arday ayaa isugu jirtay qayb ka qalin jebisay afar kamid ah kulliyadaha Jaamacadda laga barta, halka qaybta kalena ay ka qalin jebisay mahcadka Jaamacadda.

Maamulaha guud ee Jaamacadda Kismaayo Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Xikam ayaa ardayda kula dardaarmay in ay kor u qaadaan sharafta Jaamacada isla markaana dedaalka badiyaan.

Guddoomiyaha daladda waxbarashada gobolada Jubbooyinka ee Jeen Axmed Faarax Cali Aways ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in waxbarashada magaalada Kismaayo oo ay meel hoose kasoo qaadeen ay maanta marayso heer Jaamacadeed.

Qaar kamid ah ardayda qalin jebisay oo dareenkooda cabiray ayaa sheegay in ay ku faraxsan natiijada maanta kaddib muddo badan oo ay usoo samreen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee maamulka Jubbaland oo munaasabadda soo xiray ayaa bogaadiyey waxbarashada Jaamacadda Kismaayo.

Intaasi kaddib ayaa shahaadooyin la guddoonsiiyey ardaydii qalin jebisay oo isugu jiray qaybaha mahcadka iyo Jaamacadda, qaybta ka qalin jebisay Jaamacadda ayaa noqonaysa dufcaddii shanaad ee ka baxda Jaamacadda isla markaana qaadata darajada baajka.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply