Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jaamacadda Muqdisho oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga ah ee tacliinta sare ee aduunka, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid noqotay 50-ka Jaamacadood ee ugu horaysa Qaaradda Afrika, Janaayo 2012-diina heshay shahaadooyin caalami ah oo kala gedisan, oo ay ka qalin jabisay dufcadii 14-aad sanadka 2013/2014, iyada oo qaar ka mid ahi ay ka diyaariyeen darajada Master-ka iyo PhD-da Jaamacado caalami ah iyo waliba barnaamijka jaamacadda ee waxbarashada sare (post graduate programme) oo ay la waddo jaamacado caalami ah.
Hadaba Jaamacadda Muqdisho waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda soo dhameysatay waxbarashada dugsiga sare in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2014/2015.
Jaamacaddu waxay kuu haysaa 9- kuliyadood oo kala ah:
a) Civil Engineering. b) Architecture
a) Statistics & Management. b) Global Studies & international relations.
c) Economics. d) Business Administration. e) Accounting. f) Public Administration.
g) Finance & Banking.
a) General Nursing. b) Medical Laboratory sciences. C) Public Healthy. d) Nutrition & Dietetics
a) Social Sciences. b) Arabic Language. c) Islamic Studies
d) Math & Physics. e) Biology & Chemistry.
a) History & Civilization. b) English Language & Literature.
c) Arabic language & literature. d) Geography.
a) Computer Science. b) Information Technology (IT).
a) Political Science. b) Journalism & Information.
Shuruudaha ardayga laga rabo:
1) Shahaado dugsiga sare asal iyo copy.
2) 12 sawir oo kalar ah (nooca teesaraha)
3) Warqad dhalasho.
4) Warqad asluub wanaag.
5) Gal ama fayl.
Jaamacadda sanadkaan waxaa ku cusub laba takhasus oo kala ah Nutrition, Dietetics iyo Law oo kubaxaya afka ingiriiska
Diinwaangalintu waxay ka bilaabanaysaa Xarunta dhexe ee Jaamacadda ee Km4 dhanka waqooyi ee safaarada Turkiga Maalinta –sabtida taariikhduna tahay 05/07/2014,
Maalmaha shaqada waa Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqaduna waa 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo.
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala xiriir:
Tel: 002521- 858479 002525-932454 002521-223433
Fax: 002521-216820 E-mail: info@mu.edu.so www.mogadishuuniversity.com
MAHADSANIDIIN
Figradihiina