Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dilkii mudane Maxamed Maxamuud Xeyd maanta loogu geystay degmada Xamar-weyne iyo dhaawacii xildhibaanka kale oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Xuseen Coonka.
Xildhibaanka ayaa waxaa lala dilay askari ilaalo u ahaa, iyadoo la dhaawacay laba qof oo uu ku jiro xildhibaan Coonka iyo wiil ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka oo xildhibaannada la saarnaa gaariga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xildhibaannada midna la dilay mid kalena dhaawac loo geystay xilli ay ku socdeen xarunta baarlamaanka si ay uga qaybgalaan shir halkaas ka socday, balse kooxahan hubeysan oo wata gaariga ay ku hor-jareen gaarigooda gaarigii ay wateen, dabadeedna ay rasaas fara badan ku fureen.
“Mudanayaasha baabuurkii ay wateen wuxuu isku dayay inuu baxsado, balse taas way u suurogeli wayday markii kooxaha hubeysan ay gaarigoogii ku hor-gooyeen gaarigii ay xildhibaannadu wateen, rasaas badan ayayna ku fureen,” ayuu yir mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka hadlay.
Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay inuu kor tagay gaariga xildhibaannadu ay wateen markii kooxaha hubeysan ay dhaqaaqeen uuna ku arkay xildhibaan Xeyd oo mayd ah, askarigii ilaalada u ahaa oo mayd ah iyo xildhibaan coonka iyo qof kale oo dhaawacyo qaba.
Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka dilka iyo dhaawaca loogu kala geystay labada xildhibaan, askariga iyo qofka shaqaalaha baarlamaanka ka tirsan uu ahaa mid qorsheysan.
“Waxaan u qabannay dilkan ilaalada hoteel oo goobta ku sugnaa markii uu dilku dhacayay iyo dad kale, baaritaanno ayaana lagu sameyn doonaa,” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha degmada Xamar-weyne.
Ugu dambeyn, weerarkan ayaa waxaa sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab oo ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada lagu beegsanayo mudanayaasha golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Ceegaag Online
Figradihiina