Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka socday dowladda iyo AMISOM oo laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo

Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Wafdigan oo isugu jiray labo qeyb ayaa qeybta koowaad oo diyaarada saakay ka qaaday Muqdisho ay ahaayeen Kooxo Saxafiyiin ah, iyadoo markii ay geysay magaalada Kismaayo ay diyaarada dib Muqdisho ugu soo laabatay Muqdisho kana qaaday wafdi isugu jira dowladda iyo AMISOM.

Mid ka mid ah Wariyeyaashii raacay wafdiga ee gaaray Kismaayo ayaa sheegay in Wafdiga AMISOM uu hogaaminayay Abaanduule u dhashay dalka Jabuuti, halka saraakiisha kale ee dowladda ay ahaayeen ilaa 10-xubnood oo ah gudi Madaxweynaha u saaray inay qiimeeyaan xaalada Kismaayo iyo arrinta ku saabsan dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo.

Colneyl heystay Ciidamada Kenya ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa u sheegay Wafdiga in aysan ammaankooda damaanad qaadi karin, isla markaana aanay dhaafi karin garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Kulan ay yeesheen Saraakiisha Kenya iyo Wafdiga ka socday dowladda iyo AMISOM ayaa waxay u cadeeyeen in aanay u gudbi karin magaalada, isla markaana gudaha magaalada ay joogaan Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni, ayna u sheegeen in aysan qaabili karin, isla markaana magaalada geli karin.

Intaas kadib ayaa wafdiga waxaa uu dib galabta ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo arrimihii ay u baxeen aanay u soo qabsoomin, waxaana arrintan ay muujineysa khilaafka ka taagan dhoofinta dhuxusha oo ay dowladda Soomaaliya diidan tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan gudi u saaray arrimaha Jubooyinka, iyadoo gudigan oo xubin uu ka yahay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Ameerika uu ku baaqay in la joojiyo dhoofinta dhuxusha, isla markaana Caalamka tixgeliyo go’aanka dowladda ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista.

Durba waxaa muuqanaya in aanay iska war qabin Talisyada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanay qudhooda si toos uga aamar qaadan Taliska AMISOM ee Muqdisho.

Ciidamada Kenya ee la soo dagaalamay Ciidamada kale sida Raaskambooni iyo ciidamada dowladda ayaa iyana toos uga amar qaadan dowladda Soomaaliya, waxaana arrintan ay keeneysa in dowladda iyo AMISOM dhexdeeda inuu soo kala dhex galo khilaaf ku saabsan maamulka Kismaayo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag