Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hay’adaha Amniga Ku Amray in laga Hortago Falalka Amni Darada iyo Dadka Geesanaya

Madaxeweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay dilkii Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo askarigii ilaalada ahaa ee la socday ayaa hay’adaha ammaanka ee dalka ku amray inay talaabo cad ka qaadaan kooxaha caadeystay dhibaateynta bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi u diray eheladdii, qaraabadii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariisee Marxuum Maxamed Maxamuud (Xayd) iyo askarigii la socday. ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaha haka waraabiyo. Marxuum Maxamed Maxamuud (Xayd) sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed dadka dhaawaca ahna Allah ha caafiyo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Hey’adaha Ammaanka ee ay shaqadoodu tahay inay ka hortagaan falkaan oo ay kooxaha nabad diidku sameyeen nooca ay doonaanba ha ahaadeene waa inay sababtu soo cadeeyaan. Hey’adaha amniga waa inay sameyaan baaritaan natiijadiisu aan ka sugi doono. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karo sii socoshada dilalka qorsheysan ee kooxaha naf lacaariga ah sameynayaan”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri.” Kooxaha dhagar qabayaashu ee rabitaankooda yahay inay Umadda argagixiyaan xiliga bisha Ramadaan waxaan leeyahay dhammaan masuuliyiinta dalka, ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar ayey u yihiin inay Dalka iyo Diinta idinka difaacdaan isku dayga aad sameyneysaanna amniga iyo dadaalkeennu waxba uma dhimi doono”.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan sidii kooxahan sharciga loo horkeeni lahaa.

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply