Colaadii Deegaanka Domco oo Si Rasmi ah loo soo afjaray Heshiisna laga Gaadhay(Daawo Full Vido)
Heshiis Rasmi ah ayaa laga gaadhay Colaadii ka dhacday Deegaanka Domco oo katirsan Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya oo horay Dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac ugu Dhexmaray Laba Beeleed oo Wada Dega Gobolka Sool Sanaag iyo Cayn, gaar ahaana Deegaankaasi Itoobiya.
Gudigii Dhex Dhexaadinta ahayd oo isagu Jiray Maamulka Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiyaha Isimada iyo Cuqaasha Buuhoodle ayaana Maanta Waxay Shirwayne Balaadhan ku Qabteen Magaalada Buuhoodle oo ay kaga Dhawaaqeen in Colaadaasi gabi ahaanba La soo afjaray Todobaadkani Gudihiisa Kadib Shirwayne Balaadhan oo ka dhacay Deegaanka Domco.
Colaadaasi ayaana Waxaa ku Geeriyooday Dad Tiradoodu gaadhayan ugu yaraan 9 Ruux oo Labada Dhinaca ah Waxaana kaloo ku dhaawacmay ugu yaraan 23 Ruux oo labo kamid ah ay Haween ahaayeen oo gabi ahaaantooda lagu Heshiiyey Duunyana lagu kala Qaatay Marka laga Reebo laga dhaawac ah oo Meel fog loo Qaaday.
Tirada Xoolaha Loo kala Wareejiyey Labadaasi Beelood ayaa gaadhayey ugu yaraan1030 oo Halaad iyo Lacag dhan 2300$ oo Doolar oo ahayd Ganaax la saaray Labada Beeleed oo isugayn ahayd 23000$, Waxaan kaloo halkaasi lagu Bixiyey Gabdh iyo Qoriyo lagu kala baskooday oo labadaasi Beelood ay is dhaafsadeen.
Magacyada Guddiga Dhex Dhexaadinta ahayd.
1 Saleebaan Garaad Soofe
2 Maxamuud Bacaluul gaaruf
3 Axmed Xaaji Cali C/laahi
4 Shiikh axmed Shiikh Saleebaan Duul Duuliyey
5 Maxamuud Axmed Culujoog( Gadhoose)
6 Maxamed Cabdi aadan
7 Caaqil Cismaan aadan Gaadh Gaadh
8 Cismaan aadan Qanbi
9 Shugri Yuusuf Cawad.
10 axmed Maxamuud Gamaadiid
11 Carab Xasan fadal
Goob Joogayaal
Hogaanka Nabad Galiyada ee Degmada Bookh ee Dawlada Deegaanka Itoobiya.
Walaallayaal halkan noogusoo dira wixii dhaliil, dhaleeceen iyo dhiiro galin ah/ Please send here you comments either complimentary or complains
webmaster@ceegaag.com ama
Figradihiina