Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warar isasootaraya oo ka imanaya deegaanada Hawdka Laascaanood ayaa sheegaya in gabi ahaanba deegaanadaasi galeen xaalad dagaal kadib markii ciidamada Somaliland lagaga adkaaday deegaanda Hawdka ah ee dababotaag sidoo kalena weeraro kudhufo oo kadhaqaaqahi kaga yimaadeen Ciidamada Maamulka Khaatumo oo haatan halgan ugu jira ka sifeenta deegaanada uu maamulka Somaliland isku soo balaadhiyay ee SSC.
Ciidamada Somaliland ayaa isku dayay inay bandoo kusoo rogaan magaalada Kalabaydh taa soo kaga gadoodisay shacabka deegaankaa, wararka nagasoo gaadhaya Magaaldaa Kalbaydh ayaa laxaqiijinayaa inay ciidamada Somaliland rasaas nool ku fureen shacabka ka gadooday Bandoogii ay xalay soo rogeen. Khasaaraha ka dhashay shaqaaqadan ayaa ah geeri ku timid alaha unaxariistee marxuumla’oran jiray Cabdilaahi Cali Seef ”Boodhari”, halka tiro dad ahina dhaawocantay rasaastaa ay ridayeen ciidamadaa Somaliland.
Dagaalkan uu maamulku Somaliland ku doonayo inuu ku xaqiro in dadka deegaanada Khaatumo aayahooda kaga tashadaan ayaa noqonaya mid dagaalkii sokeeye ee reer waqooyigu ka nastay baryahan dib u bilaaba. dhinaca kale Ciidamada Khaatumo ayaa hada u muuqda kuwo ay u dhanyihiin dadka dega gobolada SSC, taa soo dardar galindoonta inuu maamulkaasi gacan ta ku dhigo Laascaanood.
Ceegaag.com
Figradihiina