AKHRI: Magayada Golaha Nabada iyo Hormarinta ee Beesha Dhulbahante Jubbaland (DAAWO SAWIRRADA)
GOLAHA NABADA & HORUMARINTA BEESHA DHULBAHANTE EE JUBBA LAND SOMALIA
HORDHAC
Golohu wuxuu ka yimid dhamaan bulshada ka soo jeeda beesha dhulbahante ee ku sugan Magaalada kismaayo kadib marka ay qaateen shirar goos goos ah dhalinyarada, haweenka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, ganacsatada, iyo guurtida beesha dhulabante kadibna waxay isla qaateen in ay laga maarmaan tahay in la dhiso gole talada beesha gooya iyo hormarinta dhaqanka dhaqaalaha beesha ee uga baahan tahay deegaanada Jubba land.
XEER HOOSAADKA GOLAHA
Golohu waxay ka kooban yihiin 21xubnood , kuwaas oo u kala qeybsamaya seddex guddi, waxaana shir gudoonka iska leh Ugaaska beesha
- Guddida guurtida oo ka kooban 9xubnood
- Shirka goloha wuxuu qabsoomayaa marka la helo (Quaram) ama inta badan Golaha
- Go,aanada goloha waxaa lagu gaarayaa hal dheeri
- Guddiga dhaqaalaha tiradoodu waa 5xubnood
- Guddiga arimaha beesha tiradoodu waa 7xubnood
- Xubnaha golaha qofkii wuxuu leeyahay hal cod haddii natiijada codku sinnaadaan shirgudoonka wuxuu yeelanayaa labo cod
XUBINIMADA GUDDIGA WUXU QOFKU WAAYI KARAA
- Qofka oo ka horyimaada qorshaha iyo hormarka beesha markay ku cadaato, golaha ayaa la hor keenayaa codna waa looqaadayaa, xubinimadana wuu waayi karaa haddii codku isku raaco
- Wuxuu kaloo qofku ku waayi karaa dhimasho
- Haddii qofku iska casilo iyana wuu waayayaa
UJEEDDADA GOLAHA NABADA & HORUMARINTA
Waa Gole horumarinta bulshada beesha ee dhaqanka dhaqaalaha arimaha bulshada & dhiirigelinta maalgashiga ee jaaliyadaha dibada dibu dejinta deeganadii la deganaa burburkii dawladii ka hor soo celinta sumcadii beeshu ku lahayd Jubba Land maaha Xisbi ama siyaasi ah
WAAJIBAADKA GOLAHA
- Horomarinta deegaameenta beesha siiba degmooyinka laga bara kacay in dib loo deegaameeyo sida degmooyinka Waldeyna, Korimo, Jiroole, Mugaambo iyo dhasheega.
- Hormarinta wax barashada dhulka la deegaameen doono.
- Caafimaadka dhulka bulshada ku soo noqon doonta degmooyinkooda
- Golohu wuxuu taageerayaa maamulka Jubbaland iyo sidey beeshu uga qeyb qaadan lahayd awood qaybsiga saamiyada Maamulka
- Golohu wuxuu dhiiri galinayaa maalgashiga, ganacsiga, shirkadaha dhismaha, iyo abuurida ila dhaqaale.
- Abaabulka iyo wargalinta qeybaha kala duwan ee beesha dhulbahante iyo wacyi galinta sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horomarka deegaanka iyo dowladaba .
- Goluhu wuxuu u xilsaaran yahay mideynta beesha iyo beelaha kale ee la dagan iyo sidii nabad loogula noolaan lahaa dhamaan beelaha deegaanka.
- Golohu wuxu u xilsaaran yahay la xaajoodka beelaha kale iyo maamulka Jubbaland wixii hawlo ah ee looga baahdo.
- Golohu wuxuu taageerayaa howlaha samafalka,iyo dhiiri galinta in la abuuro NGO & Hayado samafal oo beeshu leedahay,
- Golohu wuxuu abuurayaa sanduuq dhaqaale oo qaaraanka beesha lagu horumariyo hawlaha beesha waxaana laga bilaabayaa gudaha & dibadaba
- Golohu wuxu xaq u leeyahay in uu iska magacaabo gudi gaar ah oo shaqo muhiim ah oo laga maarmi waayey ama arimo baahida keentay {force majore}
- Golohu wuxuu qurbajoogta dhulbahante kala shaqeyndoonaa wixii qorshe ah oo ay uga baahdaan gudaha dalka waxayna la wadaagi doonaan xogta (information sharing) si joogta ah .
YOOLKA GOLAHA
- waa in bulshadeena la gaarsiiyo in ay heleen qorshe iyo talo mideysan oo lagu maamulo beel weynta dulbahante ee ku nool deegaanada Jubbaland
- waa in dadka beeshani gaaran hormar xaga deegaanka oo ay helaan degmooyinka mustaqbalka ay doorashada laga soo gali karaan
- golahani wuxuu gacan buuxda u fidin karaa cidii ehel ah ee waydiisata in ay ka saacidaan talada & wadajirsidda islaamka ogol yahay
- golahani ka caagan yahay wax kasta oo ka hor imaanaya diinta islaamka iyo kuwa dhaqankeeda bulshada waa in ay kula taliyaan ku dhaqanka shareecada islaamka .
- golaha nabada iyo hormarinta qorshe beeleedka ku saabsan mustaqbal dhow iyo midka dheer ee deegaanka iyo arimaha bulshada ee beeshaas, sidaa darteed cidna qatar kuma aha mana jirto cid wax loogu dhimayo.
- Xubnaha golahan ka tirsan ee kuna jira ururada bulshada ama gudiyo beeleed kale oo ah ilaa heer Harti ama Kablalax wey u madax banaan yihiin xeerkuna ma diidayo.
- Golaha wuxuu xoojinayaa kuna talinayaa wada jirka & wada noolaanshaha Beesha Harti in ay tahay lama taabtaan
MAGACYADA XUBNAHA GOLAHA NABADA IYO HORI MARINTA BEESHA DHULBAHANTE EE JUBBA LAND
- Ugaas Axmed Siraad Boqow shir gudoonka golaha nabada iyo hormarinta
- Yusuf heybe abokor {caaqilka faarax garaad}
- Abdi moliid cilmi cadde {caaqilka maxamud garaad}
- Abdi cismaan barre {caaqilka baho nugaaleed}
- Muqtaar abdi adaan {sarkaal}
- Abdi risaaq axmed warsame {sarkaal}
- c/qani dhuux afcad {sarkaal}
- maxamuud maawel {sarkaal}
- Istir Xaaji Cige
- sahra cali xasan
- abdi fatax aadan c/laahi
- nuuradiin maxamuud aadan
- khadar cabdi cali
- c/laahi xirsi maxamuud
- cismaan macalin nuur {xerow}
- maxamed haaruun maxamuud
- saxardiid cabdi cali
- saleebaan abdi shakuur aadan
- c/raxmaan xuseen xasan
- axmed abdi maxamed {axmed keyd}
- Deeqa Ismaaciil Aw Cali
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina