Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Lix qof ayaa ku dhimatay, 4 kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo galabta lagu weeraray guri uu magaaladda Kismaayo ka degan yahay sarkaal ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Nin isku xiray waxyaalo qarxa ayaa isku miidaamiyey guriga Iftiin Xasan Baasto oo ah, madaxa hawl-gallo ciidan oo ka dhan ah malleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda deegaanno dhinaca Galbeed uga beegan Kismaayo.
Dadka ku dhintay qaraxa ayaa ka kooban saddex qof oo ahayd rayid, uuna ku jiro wiil uu dhalay Xasan Baasto iyo saddex ka tirsanayd ilaaladiisa.
Iftiin Xasan Baasto ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in uu ku sugnaa gurigiisa marka la weeraray, uuna ka badbaadey.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka magaaladda Kismaayo, waxaana dhici karta in ay kororto tirada dadka ku wax yeelloobey qaraxa.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina