Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iyadoo lagu gudo jiro 10kii ugu danbeeyay ee bisha barakeeysan ee Ramadaanka ayay barakacayaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin nolol xumo, iyagoo sidoo kale ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyed eek u dhaqan dalka dibadiisa iyo cid walba oo wax u awooda in ay usoo gargaaraan.
Barakacayaashan oo ku nool Xero dhawaan uu dejiyay maamulka Jubba oo ku taal hotelkii hore ee Dalxiska oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay kamid tahay Suuliga ama musqulaha oo ku yar, helitaanka biyaha oo aad ugu adag maadama aysn ceelal lahayn Xerada ay ku noolyihiin iyo dhibaatooyin kale.
Gudomiye kuxigeenka Barakacayaasha magaalada Kismaayo Max’ed Dhaqane oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka heysta dadkan danyarta ah.
Dadkan danyarta ah ayaa ka codsaday umadda Soomaaliyeed ee wax heeysata in ay kaalmo biniaadanimo laso gaaraan, sidoo kalena ay ka farxiyaan carruurta yar yar ee ku jirta xerooyinkaasi si ay farxadda ciidda barakeeysan ee foodda nagu soo heysa ula qeeybsadan carruurta kale ee asaagooda ah.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku taal in ka badan 50 Kaam oo ay ku jiraan dad danyar ah oo kazoo barakacay qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya iyadoo dadkani ay deegaanadooda uga soo barakaceen Colaado iyo weliba abaaro daran oo saameeyay awgeed.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina