Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Maanta Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho aas heer qaran ah loogu sameeyay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo shalay Kooxo hubeesan ay ku toogteen Degmada Xamar Weyne.
Aaska Xildhibaanka loogu sameeyay Qabuuraha Isbitaalka ,Madiina waxaa ka qeyb galay Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka , Saraakiil Ciidan iyo qaar kamid ah Ehelada Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.
Xubnihii ka hadlay Aaska ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka loo geestay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer , waxa ayna dowlada ugu baaqeen in ay wax ka qabato Dambiilayaasha Dilalka u geesta Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta.
Xildhibaanka Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho ayaa kamid noqonaya tiro Xildhibaano ah oo sanadkan gudihiisa Dilal qorsheesan loogu geestay Magaalada Muqdiho , waxaana hada sii kordhay wal walka dhinaca amaanka ah ee lasoo darsay Xildhibaanada.
Ceegaag Online
Figradihiina