Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGAYSO:- Wafdi ka socday Qaxootiga Dhadhaab oo la kulmay madax maamulka Jubbland

Wafdi ballaaran oo ka socday xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kulan la qaatay madax ka tirsan maamulka Jubba.

Wafdigan oo ka koobnaa gudoomiyeyaasha xerooyinka Dhadhaab, madax ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR iyo weliba xubno ka socday waaxda arimaha qaxootiga dalka Kenya, ayay ujeedada imaatinkooda ahayd in ay indhoindheyn iyo qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo weliba suurtogalnimada in dib loogu soo celiyo qaxootiga.

Wafdiga ayaa gudaha xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiiirada maamulka Jubba.

Guddoomiyeyaasha xerooyinka Dhadhaab ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka qaxootiga ee ku nool Kenya, iyagoo sheegay in mudo sedex maalmood ah ay sii joogi doonaan si ay wax badan uga ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Kismaayo.

Degmada Kismaayo ayaa kamid ah goobaha loo asteeyay in dib u dejin loogu sameeyo dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ee la filayo in dib loogu soo celiyo dalka, waxaana madaxdii ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ay sheegeen in dadka qaxootiga ay kusoo laabanayaan rabitaankooda balse aysan jiri doonin cid qasab lagu soo kaxeyn doono.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsanyihiin wafdiga maanta soo gaaray, isagoo uga mahadceliyay dowladda Kenya mudada dheer ee ay martigelisay qaxootiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ay tahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo, isagoo sheegay in loo baahanyahay in hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, maamulka Jubba iyo dowladda Federaalku ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa dadka doonaya in ay dalka kusoo laabtaan islamarkaana ay u heli lahaayeen waxyaalaha aasaaska u ah nolosha.

Dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay in ay dooneeyso in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka Dhadhaab in ay dib ugu celiso dalkooda, iyadoo arimahaasi ay isku afgarteen madaxda ugu sareeysa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DHAGAYSO

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply