Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’iisul wasaarihii dowladii KMG ahayd ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho isagoo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in madaxda dowladda Somalia ay heleen fursad wanaagsan, balse aysan uga faa’iideysan sidii la doonayay.
Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay tahay dowlad aan KMG ahayn, loona baahnaa madaxdeedu inay howsha ka billaabaan dib u heshiisiin dhab ah oo la isugu soo dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed ee colaaduhu dhexmareen.
“Madaxda dowaldda oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay heleen fursad wanaagsan, balse ugama faa’iideysn sidii la doonayay, waxay ahayd in howsha ay ka billaabaan dib u heshiisiin, taasoo horseed u noqon lahayd inay fursaddooda ka faa’iideystaan,” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in la maqlo hadda inay dhacaan dagaallo beeleed oo ay isku dilayaan dad walaalo ah uuna dhiib badan ku dadaadanayo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia oo la weydiiyay su’aal ahayd dhibaatooyinka lagu hayo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga naxo ay tahay xildhibaannadii Muqdisho lagu dilay, isagoo sidoo kale xusay in wax laga xumaado ay tahay xildhibaanno guryahooda la galayo.
“Xildhibaannadii lagu dilay Muqdisho waa wax laga naxo, sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah in xildhibaanno xasaanad leh guryahooda habeen la galo, waxaana ku talinayaa in sharciga loo hoggaansamo, haddiise ay qofka ugu sarreeya uu billaabo inuu dastuurka ku xad-gudbo inta kalena way ku xad-gudbayaan. Waana sharci-darro in xildhibaan gurigiisa la galo fasax la’aan,” ayuu Farmaajo yiri.
Mudanayaasha baarlmaanka ayuu ku boorriyay in dilalka loo geysanayo iyo dhibaatooyinka kale ee ku dhacaya aysan baqdin gelin oo ay ka qaadaan dhiirranaan iyo ad-adayg, howsha ay bulshadooda u hayaanna ay halkeeda kasii wadaan.
Dhanka kale, mar la weydiiyay go’aannada ay dowladdu hubka ku qaadayso ayuu kaga jawaabay, in loo baahan yahay in dadka hubka haysta laga qaado hubka oo ay dowladdu noqto tan gacanta ku haysa hubka dalka yaalla.
“In hubka laga ururiyo shacabka way wanaagsan tahay, balse taas waxaa ka horreysa in dadka kalsooni la geliyo, si ay u aaminaan in dowladdu ay tahay tan ammaankooda ilaalinaysa, waayo qofku wuxuu hubka u haysto waa inuu isku ilaaliyo, haddii dowladdu ay baqdintaas shacabka ka saarto taasi waxay keenaysaa in qof walba uu hubka iska dhiibo, waayo garan maayo wuxuu u haysto hub,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.
Arrimaha cadaaladda oo wax laga weydiiyay sida in xilkii laga qaaday xeer ilaaliyihii hore ee dalka iyo dilalka loo geystay xubno Al-shabaab ka tirsan oo si sharci-darro ah ayaa loo fuliyay la yiri ayaa uga jawaabay, in marka hore ay tahay in dastuurka lagu dhaqo, wax walba oo la sameynayana dastuurka lagu saleeyo.
“Xil ka qaadista xeer ilaaliyaha guud waxaan rumeysanahay inaan loo marin habkii saxda ahaa, waxaana madaxda kula taliyaaa inay dastuurka daacad u noqdaan, si ay kalsoonida shacabkood u helaan,” ayuu yiri.
Mar uu ka hadlay hadalkii ahaa in qofkii Al-shabaab ah ee la qabto waxaa lala soo xirayaa waalidkiis ayuu sheegay inuusan garanayn sharciga qaba in qof aan dambi gelin la xiro ama la xukumo.
“Diinta Islaamku ma qabto in qof aan dambi-gelin la xiro, sidoo kale sharciga dalku ma qabo, marka waxaan qabaa in qofkii dambi galay la qabto ama Al-shabaab ha ahaado ama qof kale ha ahaadeen, haddiise arrintaan lasii wado waxay keeni kartaa in dadka oo dhan ay taageeraan kooxaha dhibaatada ka wada dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Farmaajo wuxuu sheegay in madaxda dalka howshooda ugu weyn ay tahay inay dadka isku soo dhaweeyaan, wixii dalka dhibaatada xooggan ka geystayna ay ka hortagaan, waana in shacabku ay xukuumadda si dhab ah ula shaqeeyaan, una sheegaan khaladaadkeeda, waayo dowlad la’aan ayaa wax walba ka xun.
Hadalkiisa ayuu kusoo xiray inuu dib ugu soo laabanayo siyaasadda, waxa keliya ee u diidi karana ay tahay wad, dalkana uu dib ugu soo laabanayo oo uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabanayo, uuna la yimaado siyaasad cusub.
“Waxyaabaha aan doonayno inaan dadka tuso waxaa ka mid ah in qof walba uu xaqiisa helo, cadaalad uu helo iyo inuu shacabka baro sida wanaagsan ee wax loo hoggaamiyo,” ayuu mar kale yiri.
Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay qabiilka ka tagaan oo ay ogaadaan dhibaatadii uu dalka gayeysiiyay, isagoo shacabka kula dardaarmay inaysan ka quusan rajada Ilaahay oo ay mar walba noqdaan kuwo niyad wanaagsan.
Ceegaag Online
Figradihiina