Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Magaalada Kismaayo oo laga billaabay Howlo lagu dayactirayo Waddooyinka Waaweyn ee Dhexmara

Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ay ka bilaaban doonaan mashaariic horumarineed oo dib u dhis loogu sameeynayo goobaha muhiimka ah ee adeegyada Bulshada.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Mudane Max’ed Faarax Warsame (Darwiish) oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safar caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka dibadiisa islamarkaana hadallo ka jeediyay xaflad looga hadlayay arimaha horumarka ee deegaanada Jubooyinka oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay jiraan mashaariic dib u dhis oo dhawaan ka bilaaban doono magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan heshiisyo ay la galeen hay’ado dib u dhis ku sameyn doona wadooyinka burbursan ee dhexmara magaalada Kismaayo iyo weliba goobaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

“Wadada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa Jaamacadda Kismaayo ayaa ugu horeyn doontan goobaha dib u dhiska lagu sameyn doono, kadibna waxaa xigi doona goobaha kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada bulshada,”ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ahaa kuwo aad u burbursan islamarkaana aan helin wax dayactir ku filan tan iyo intii ay dalka Soomaaliya ka jirtay dowlad la’aanta, waxaana hadalkan kasoo yeeray wasiirka uu kusoo beegmayaa iyadoo gaadiidleyda ka shaqeeysa magaalada Kismaayo ay ka cabanayeen ciriiri iyo burbur ka jira wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaalada Kismaayo.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply