Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bannaanaxbax looga horjeedo Dowladda Federaalka oo bilowday degmada Wadajir

Boqolaal dadweynaha degmada Wadajir ayaa saakay bilaabay inay isugu soo baxaan waddooyinka waaweyn ee degmadaasi, waxaana dadweynaha oo saacadba saacadda ka dambeysa sii kordhaya ay uga cabanayaan weerarka ciidamada dowladda ay ku qaadeen guryo ku yaala degmadaasi oo ay leeyihiin Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) iyo C/llaahi Sh. Xasan.

Dadweynaha bannaanbaxayay oo qaarkood sitay boorar ay ku qornaayeen “Ha dhaco Madaxweyne Xasan Sheekh” iyo ereyo kale oo ay uga soo horjeedaan ciidamada Dowladda Federaalka ee saakay weeraray degmadaasi.

Bannaanbaxayaasha oo socod dheer ku marayay waddooyinka degmada Wadajir ayaa shucuurtooda ku muujinayay sida ay u taageersan yihiin isla markaana u garab taagan yihiin hoggaamiyahoodii hore Axmed Daaci, isla markaana ballanqaaday inay dhiigooda u hurayaan difaacidda hoggaamiyeyaasha, siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada degan degmada Wadajir.

Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka ee iyagu weli ku sugan guryihii ay saakay weerareen ayaa difaac galay kaddib markii ay arkeen dadweynaha degmadaasi oo raxan raxan u socda isla markaana ka dalbanaya inay ka baxaan degmadooda.

“Xasan Sheekh waan kula xisaabtami doonaa xasuuqii uu u geystay dadkeena” ayaa ka mid ahaa ereyadii ay ku qeylinayeen dadweynaha degmada Wadajir oo saakay si iskood ah isugu soo bannaanbaxay.

Dhinaca kale Dibadbaxayaasha ayaa bilaabay inay gubaan Taayeerada gawaarida, iyadoo la xiray dhamaan Ganacsigii Degmadaasi, waxayna dadka deegaankaasi ku doodayaan inaysan weli helin Gudoomiye Axmed Daaci gaari kara, iyagoo sheegaya inuu qaar ka mid ah jirkiisa uu ku waayay sidii uu u difaaci lahaa shacabka ku nool Degmada uu gudoomiyaha ka yahay, iyadoo la xusuusto in Ciidamadiisa dharaar cad ay Al- Shabaab ka dileen in ka badan ilaa 17-ka mid ah Maleeshiyaadka Shabaabka.

Xigasho: Somaliweyn

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply