Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo leysugu keenayo beelaha wada dega Jubbooyinka si looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolladaasi.
Cabdi Baaley oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay in bisha soo socota ee September ay qaban doonaan shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb galayaan dhamaan beelaha wada dega Jubbooyinka, si looga tanaasulo dagaalladii hore u dhacay, loogana shaqeeyo nabadda.
Wuxuu tilmaamay inay tagi doonaan dhammaan deegannada gobollada Jubbooyinka ayna la kulmi doonan dadka deegaanka si leysku cafiyo, nabadda iyo horumakana looga wada shaqeeyo.
Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen ayaa sheegay in siminaar loogu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isaga iyo qaar kale oo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba ay ka faa’ideen isu-tanaasulka, sidii looga fogaan lahaa musuq maasuqa, iyo xoojinta dib u heshiisiinta dadka deegaanka.
Siminaarka wuxuu ku saabsanaa dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka kismaayo-Somalia
Figradihiina