Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dibad bax ay dhigayeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad Shacab ah oo maanta ka dhacay Degmada Buulo Burte (Muxuu Salka Ku hayaa?)

Waxaa maanta Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ka dhacay Dibad bax aad u balaaran ay dhigayeen shacabka ku dhaqan Degmadaasi iyo Ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan Degmada Buulo Burte ayaa dibad baxoodawaxa ay kaga cabanayeen go’doominta Al-Shabaab mudo dhoor bil ah ku heyso Degmada Buulo Burte iyo sarakac baahsan oo ku yimid Cuntada qeybaheeda kala duwan.

Banaanbaxa maanta ka dhacayDegmada Buulo Burte ayaa ahaa mid aad u balaarnaa waxa ayna dadka ku qeylinayeen hal kudhigyo ka dhan ah Dowlada , AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab, waxa ayna ku baaqayeen dibad baxayaasha in deg deg loo furo wadooyinka xiran ee soo gala Degmada Buulo Burte.

Mid kamid ah dadka dibaxa dhigayay ayaa sheegay in imaanshaha Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM Degmada Buulo Burte ku keentay dhib iyo sicir barar xoogan, waxa uuna ugu baaqay Dowlada iyo AMISOM hadii aysan awoodin in shacabka ka qaadaan go’doominta saaran in ay isaga baxaan Degmadaasi.

‘’Dhibka waxa dareemaya waa anaga oo shacabka ah Ciidamada AMISOM diyaarado ayaa loogu keenaa raashin iyo wax kasto ay u baahanyihiin , Shacabka waxaa hada heesta dhibaato ka dhalatay sicir barar ,Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM hanaga baxaan hadii aysan awoodin in ay wadooyinka noo furaan’’ Ayuu yiri mid kamid ah dadkii dibad baxa dhigayay.

Dhinaca kale Ciidamo katirsan Mitaraiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa iyagana Buulo Burte waxa ay ka dhigeen Dibad bax ay uga soo horjeedaan Mushaar la’aan heesata Ciidamada Qalabka Sida ee kusugan Degmada Buulo Burte.

Al-Shabaab ayaa mudo ka badan Shan bilood waxa ay go’doomin ku hayaan Degmada Buulo Burte oo Dagaal looga saaray , waxaana go’doominta Degmada Buulo Burte keentay in sicirka cuntada iyo alaabooyin kale ay sara u kacaan dadkuna awoodi waayaan in ay iibsadaan.

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply