Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi ballaaran oo ka koobnaa wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, xubno ka socday IGAD iyo wakiillo ka socday qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa maanta gelinkii danbe xilliga Soomaaliya soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa sidoo kale wehlinayay wasiirka maaliyadda dowladd federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan maamulka Jubba oo ay kamid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, wasiirka arimaha bulshada Macalim Max’ed Ibraahim, saraakiil ciidan iyo madax kale.
Wafdiga ayaa intaa kadib loo gelbiyay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo, iyadoo siweyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale hakad la geliyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee isticmaalayay wadada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada Kismaayo.
Wafdiga ayaa gudaha xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), kulankaa oo ay dibad-joog ka ahayd saxaafadda, waxaana markii uu soo dhamaaday saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax.
Afhayeenka ayaa sheegay in waxyaalaha ugu muhiimsan ee laga hadli doono ay yihiin heshiiskii Adisababa ay ku kala sixiixdeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubba, arimaha dhameystirka maamulka iyo weliba arimo kale oo la xiriira dowladda iyo maamulka Jubba ka dhexeeya.
Wafdigan ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in mudada uu joogo ay kulamo kala duwan la qaataan madaxda maamulka Jubba, kuwaasoo looga arinsan doono arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhaqangelinta heshiisyadii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina