Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warka ka imaanaya gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ee ku sugnaa Deegaanada hoostaga Gobolka Hiiraan ay bilaabeen inay isaga baxaan Gobolkaasi.
Saraakiisha Ciidamada DF ee Gobolkaasi ku sugan ayaa sheegay inay helayaan Macluumaadyo la xiriira in Kooxda Alshabaab ay faarujinayaan Deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulooyinka Buurweyne iyo Halgan.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in dagaalyahannadii kooxda uga sugnayd degmada Jalalaqsi ay wadaan dhaqdhaqaaq ay uga baxayaan magaalada.
Faarujinta Kooxda ay faarujineyso Deegaanada ay kaga sugnaayen gobolka Hiiraan ku soo beegmeysa xilli ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka iyo kuwa AMISOM ay si wada-jir ah u iclaamiyeen inay billaabi doonaan howlgal milateri oo ka dhan ah kooxda.
Ceegaag Online
Figradihiina