Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG:- Coll Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Ciidamadiisa oo Kismaayo Dib loogu Sooceliyay

COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo ciidamadii uu hogaamiyay ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ayaa maanta lagu guuleystay in lasoo xareeyo, iyadoo ciidamadani la dejiyay deegaanka Madhamaato oo ku yaal duleedka Kismaayo.
COL Barre Hiiraale iyo ciidamadii uu horkacayay ayaa markii ay soo gaareen garoonka Madhamaato oo ahayd halka loo asteeyay in la dejiyo ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeyay madax ay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka dastuurka iyo arimaha garsoorka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Afeey, madax ka socotay beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Xasan Sheekh Cilmi (Xasan Garbahaareey) oo Warbaahinta Lahadlay u waramay ayaa sheegay in ciidamadii uu hogaamiyay COL Barre Hiiraale lasoo xareeyay, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeyo loo diyaar garoobi doono shirka dib u hehsiisiinta ee la filayo in uu furmo.
“Barre iyo ciidamadiisii dib ayaa loo soo xareeyay, waxaana kulmay Madaxweeynaha Jubba iyo COL Barre, way wada hadleen, aad ayay isu marxabeeyeen, waxayna sheegeen in ay is cafiyeen, ” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo ku sugnaa wasiiro, madax ka socotay IGAD iyo Beesha Caalamka, waxa ayna wadeen dadaallo la doonayay in lagu soo xareeyo Barre Hiiraale iyo ciidamadii uu hogaamiyay ee ku sugnaa Gooweyn.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply