Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdiga Wasiirada ahaa iyo Barre Hiiraale ayaa caawa fiidkii kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed, iyagoo warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa Goobweyn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.
” Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday,” ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaa jood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.
ceegaag.com
Figradihiina