Falanqaynta “Hees Shaki Mudan Iyo Cabdi Good”, W/Q: Axmed-Assad
Waxaan dhawaan Tv-ga ka daawaday suugaan-yahanka Cabdi Good oo naqdinaya beyd ka mid ah hees uu ku sheegay, “
hees shaki mudan”. Haddaba, marka hore intaynaan dulucda heestan u gudo gallin, waxaan marka hore cadaynayaa in aanaan aqoonin qofka heestaa sameeyay iyo midka qaadda toona. Haseyeeshee, markaan milicsaday tafsiirka, naaqishaadda iyo abla-ablaynta uu Cabdi Good ku sameeyay beydkaa ayaa waxaa ii muuqatay inay haboon tahay in bal dib-u-eegis kale lagu sameeyo.
Marka hore, waxaan salaamayaa walaalkay Cabdi Good, waxaana ugu hambalyaynayaa dadaalkiisa iyo waliba dhiiri-gallintiisa ku aadan toosinta iyo asluubaynta suugaanta, gaar ahaana kuwa dhaqan xumada ah ee lagu sawirayo cawraadka oo aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan toona haboonayn.
Hadaanse, u soo noqdo beydka hoos ku xusun ee uu Cabdi Good qoonsaday dhawr meellood oo ka mid ah ayaan wax yar ka taabanayaa siday aniga iilla muuqato.
Su’aashu Waxay Tahay, Muxuu Cabdi Good Ka qoonsaday Beydkan?
Galaydhyohow Lamaansaday – (1, Sidee buu u lamaansaday?)
Naf Jacayl Lulaysaa-(2, Ma jacaylkaa la lullaa, mise nafta?)
Laaluush Kugu Samaysee – (3, Laaluushka lama sameeyee waala bixiyaa?)
Adigaa Lalaayoo
Ku dabaasha laydhoo – (4, Ma biyahaa lagu dabaashaa mise laydha?)
Ku Ladaabtay beer kulul – (5, Sidee beer kulul loogu ladaabtay?)
Laalaab warqadanoo
Lugahaaga sudho oo
Luuq iyo dul gee Gedo
Luulla igu salaannoo
Adoo laamo ubaxliyo
Laydh iyo ku helay hoos
Inkastay Lug xidhan tahay (6- marka laqabo uun bay gabadhi lug xidhan tahay?)
Innaan liito gaadhsii!
Ereyada hoosta ka xariiqan ayuu Cabdi Good ka biyo diidday, wuxuuna sheeggay inay jabban yihiin oo ay khalad yihiin.
Hadda, bal aynu dhugano erayada Cabdi qoonsaday iyo abla-ablayntooda.
1- Galaydh—Lammaansaday. Cabdi wuxuu ka biyo diidday innaanu galaydh lamaansan karin. Haddaba, Ereyga LAMMAAN wuxuu asal ahaan ka soo jeeddaa LAMA oo lahjadda Maxaad-ka ka cidhib go’day hadda, halka ay weli lahjadda May-ga tahay midda hadda la isticmaalo. Tusaale: LAMA = LABA dhanka Mayga. Dhinnaca Maxaad-ka waagii hore waa la isticmaali jiray, laakiin hadda waxay isu rogtay LABA. Tusaale: B)LAMMA lahjaddaMaxaad-ka gaar ahaanna waqooyiga waa saanta jarcada ah oo ka kooban laba harag-lo’aad oo laysku tollay. T) LAMMAAN waa laba noolle, sida laba qof oo isguursaday = lammaane, hal lammaan = hal iyo nirigteed, iwm. J) LAMA caruurta reer-Maxaad-ku waxay ku ciyaari jirren, LAMA, LAMA KALEETO, LITE, LITA ABUURE, HALA-LAWJE.
Haddaba, waa maxay Galaydh Lamaansaday? Waxay illa tahay galaydh arroos ah oo xaas yeeshay. Oo galaydh aroos ma noqon karaa? Bal intaynaan u gallin taa jawaabteeda, waxaa ka horaysa galaydh ma lala hadli karaa ama fariin ma loo dhiibi karaa? Jawaabtu waa haa haddii ay suugaan tahay oo waxaa daliil u ah, “hud-hudyohow dabaylaha, daruuraha dhex marayaa….., Fiinyahay adaa ololayoo oohin ciirsadaye…, IWM”. Haddaba, haddii galaydhka fariin loo dhiibbi karo waa loo aroosi karaa oo waa iiddaanka iyo farshaxanka suugaanta, waxaana laga matalayaa qof ahaan.
2- Naf jacayl Lulaysaa: Cabdi wuxuu inna su’aalay “ ma naftaa jacaylka lulaysa, mise jacaylkaa la lulayaa?”. Waxay tani ku xidhan tahay LULLista lafteeda waxa laga waddo. LUL = Rux, Weedhaami, Lux IWM. Dhawr hab ayaa wax loo lullaa. Mar waa sidii uu Cabdi gacantiisa inagu tusay oo u muuqatay inuu inoo tilmaamayay sidii wax hawo lulayso oo kale. Taasi waxay u socotaa sidii wax bidix iyo midig u lulmaya. Laakiin, waxaa jira qaab kale oo wax loo lullo, sida ciirta loo lullo oo hor iyo gadaal/dib u ruxmaya.
Haddaba, bal aynu u soo noqono. Sidee nafi jacayl u lulli kartaa? Markaynu ka eegno dhinaca tusaalaha dambe ee ah caano lullida, naftu way lulli kartaa caashaqa , wayna ka dhalin kartaa subag u qalma burcadka waa haddii uu jacaylku liibaanno. Haddaba, Halabuurkani haddii ay naftiisu caanaha jacaylka lulayso way ansaxaysaa. Haddiise, uu ka waday in jacaylku nafta u lulayo sida hawada, Cabdi waa runtii oo xarfaha SAA ayaa habdhaca khalkhal galinnaya, oo waxaa kaga habboon Naf Jacayl Lullaayaa, oo markaa macneheedu noqonayso inuu jacaylku lullayo/weedhaaminayo nafta.
3- Laaluush Kugu Samaysee: Cabdi wuxuu ku doodday inaan laaluush la samayn ee la bixiyo oo qudha. Markaa, dooddu waxay ka taaggan tahay, ereyga SAMAYN. Haddaba, ereyga samayni waa aasaasid, hindisid, yeellid iwm. Samayni way guddo wayn tahay, waxayse u qaybsantaa 2 qaybood oo kala ah 1)amaamud iyo 2) fallid. Amaamudku waa marka walax la sameeyo sida qallin ama sariir. Falliduna waa sida ficil lagu kacay sida yeellid, oo waxaad maqli kartaa: waar maxaan kugu sameeyay, oo ah maxaan ku yeellay. Haddaba, qofka waad odhan kartaa khalad baad igu samaysay, laakiin ma haboonna laaluush buu igu sameeyay. Sidaa darteed waynu odhan karnaa naxwe ahaan waa khalad laaluush kugu samysee. Haddii uu xitaa hal-abuurku odhan lahaa “Laaluush ku siisee,” wali waxaa ka muuqanaya madmadow, waayo laaluushku waa musuq-maasuq halka ay mushqaayadda ama baqshiishku ka yihiin hadiyad.
4- Ku dabaasha laydhoo. Cabdi wuxuu ina waydiiyay, “ma biyahaa lagu dabaashaa mise laydha?”. Taasi waxay ku xidhan tahay cidda dabaalanaysa. Waxaynu hore u maqalay, Cumar Shooli oo leh, “Ladabaallo Caashaqa”. Haddii uu kaluun dabaalanayo wuxuu dabcan ku dabaashaa biyaha, laakiin galaydhku biyaha wuu ku haftaa, wuxuuse ku dabaashaa hawada.
5- Ku Ladaabtay beer kulul. “Sidee beer kulul loogu ladaabtay?”. Ayuu Cabdi inna waydiiyay. Ereyga LADAABi= waa ku celin, ku noq-noqosho, roggaal celin. Ereygani wuxuu daris-wadaag la yahay DAAB oo ah marka maqashu caano badan hooyadood ka jaqaan iyagoo mar walba ku noqnoqonaya kadibna shuban ku dhaco, mararka qaarkoodna wayba u dhintaan DAABTA. Laakiin, macnaha gaarka ah LADAABi dhinaca xoolaha waxay leedahay 2 macne oo isu dhaw. 1) Ladaabi waa marka xoolo soo arooray ay biyo cabaaan kadibna maadaama ay meel fog ka soo arooreen, dhawr goor biyihii lagu soo celceliyo, dadka qaarkiina waxay yidhaahdaan durduur ama rakaad. 2) Dhinnaca lo’du way ka yara duwan tahay sidaas oo waa marka maalin walba la waraabiyo ayaa la dhahaa lo’daasi waa ladaab’e maaha 3 qad. Isku soo wada duuduuboo, ladaabi = ku noqnoqosho. Haddaba, galaydhku waxa uu cuno wuxuu ugu jecel yahay beerka, sidaas darteedna, hadii uu ku noq-noqdo cunidiisa dhawr goor oo uu ku ladaabto wax dhib ahi iigama muuqdaan.
6- Inkastay Lug xidhan tahay Cabdi wuxuu yidhi “marka la-qabo uun bay gabadhi lug xidhnaan kartaa”. Ereyga Lug-xidhan macnihiisa asalka ah waad wada fahmaysaan. Laakiin, sarbeebtiisu waa XAYIRNAAN. Cabdi waa runtii oo haweenayda la qabaa way lug-xidhan tahay, haseyeeshee gashaantida lafteeda waxaa xayiri kara waalidkeed, qarash la’aan, collaad IWM. Sidaas darteed, laguma dooddi karo haweenayda la qabo oo kaliya ayuun baa xayirnaan karta.
Haddal iyo guntii, Af-Soomaaligu waa margi dhan walbana waa loo jiiddi karaa. Inkastoo laga yaabo inuu Cabdi ku gar leeyahay qodobka sadexaad, haddana waxaa jirra deeggaano kala duwan oo laga yaabo inay siyaabo kala duwan loo isticmaalo ereyo isku mid ah. Sidaas awgeed, mastarad qudha laguma wada cabiri karo lahjadaha kala duwan ee waxay u baahan yihiin xeel-dheeraan aad u mug wayn.
WQ: Axmed-Assad,
Barmaamijka Murtisoor Ee Dhaqanka, Afshaxanka & Suugaanta.
Facebook.com/Murtisoor , Tiwitter: AxmedAssad
Figradihiina