Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warmurtiyeed ay Waxgaradka reer Ceegaag ku beeninayaan war kusoo baxay HC.tv 09/06/2014

Xiidhiidh ay nala soo sameeyeen waxgaradka iyo cuqaasha degmada Ceegaag ayaa ku tilmaamay wax la’la yaabo warar been abuur ah oo uu faafiyay Telefishanka Home Cable tv kaa soo sheegay in Somaliland ay dugsi sare ka hirgalisay Ceegaag arintaa oo ah wax aan sal iyo raadtoona lahayn.

Waxgaradka ayaa sheegay in Qol madow uu kaga duubay warkaa wakiilka telefishankaa u fadhiya Laascaanood oo uu watay Cabdiqani Khaawi oo ka soo jeeda degaanka Widhwidh,  sheegtayna inuu yahay gudoomiyaha gobolka waxbarashada ee Degmada Buuhoodle.

Mar aanu laxidhiidhnay goor dhawayd magaalada Ceegaag ayaa naloo xaqiijiyay in imaatinka Cabdiqani Khaawi  ee Ceegaag ayaa ka danbeeyay kadib markii ay u yeedheen rag aan matalin Degmada Ceegaag oo kala ah  Cabdi Jaamac Gaydh,  Axmede Maxamuud Cali( Niiqniiqle), Cismaan Maxamed Shuuriye, Wiish Cabdi Salwe, Axmed Ciise Cawil (Qoob), Xiis Ibraahin Reegal, Axmed Shaafi Raage Xasan, Axmed Maxamuud Cagajar. Ragaasoo markii ay  udhamaatay kulankii qarsoodiga ahaa uwada guureeyay magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland. Nimanka Hargaysa aaday oo horay uga been abuurtay Deegaanka Ceegaag iyaga oo ku sheegay inay Ceegaag ka mid tahay gobolka Saraar wixii ka yimaada inay masuuliyadeeda qaadi doonto Somaliland. Arintaasoo ay horay u beeniyeen dadwanaha deegaanka dibad iyo gudaba.

Sidoo kale waxaa nalooxaqiijiyay in ay kulankaa goobjoog ka ahaayeen niman degan Magaalada Buuhoodle oo uu ku jiro Gudoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka Khaatumo Maxamuud Cali Faarax (Dhagaburo) iyo Ganacsade Axmed Cabdi Cawad (Koofiyad). Waxgaradka Ceegaag ayaa ka dalbanaya inay Jawaab ka bixiyaan waxa ku kalifay inay Goobjoog ka noqdaan waxyaabo aan ku wanaagsanayn Sumcada deegaanka iyo Karaamadooda oo lagasoo maleegay deegaanada lidka ku ah horumarka degmada Ceegaag.

Waxgaradka Ceegaag ayaa ugu danbayn noo sheegay inaysan Ceegaag u baahnayn sandareerooyinka ay Maamulda Hareeruhu ku bahdilaan shacabka Dhulbahante ee Deegaanada Khaatumo.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply