Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa sanad walba ardayda cusub ee kusoo biiraysa Jaamacadda Muqdisho loo qabtaa todobaadka dhaqanka si ardada ay iga dhaxdooda isu bartaan kuna soo bandhigaan hal abuurkooda laguna siiyo casharo kusaabsan shuruucda udagsan Jaamacadda inta ay ku guda jiraan sahanka waxbarashadeed ee Jaamacadda muqdisho.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxa xafiiska ardayda Jaamacadda Muqdisho ustaad Maxamuud Sheekh Cali isaga oo shaagay in barnaamijkaan Todobaadka dhaqanka uu yahay mid ardayga lagu barayo nidaamka udagsan Jaamacadda Muqdisho ayna soo bandhigaan hiwaayaadkooda iyo aqoonta guud ee todobaadkaas ardayga sahay looga dhigo inta uu socdo barnaamijkaan, waxa uuna kula dardaaramay ardayda cusub inay noqdaan arday ku dayasho mudan.
Waxaa isna kahadlay kalimad kusaabsan cilmiga iyo faa’idadiisa kasoo jeediyay Dr. Axmed Sheekh Xasan (Qudubi) oo ardada ku dhiira galiyay muhiimadu uu cilmigu u leeyahay bulshada iyo inay ardada ku talaabsadaan horumar lataaban karo isagoo soo qaatay aayado iyo axaadiistiis Nabi Muxamed (NNKH) wuxuuna kula dardaarmay ardayda cusub inay noqdaan tusaale bulshada ay fiirsadaan.
Sidoo kale waxaa suugaan kusaabsan shiribka halkaa kasoo jeediyay Cabdulqaadir Cabdi Axmed (JUBBA) oo jaamacadda muqdisho ku amaanay dadaalka ay u haaso bulshada Soomaliyeed waxuuna yiri :
*Jeebkaadaa Liitee Naga Joog Jaamacadaanaa Joojisay.
*Jawaab mahaayo Jaamacow adaaba joogo iigu Jiid Jaamacadaanaa Joojisay.
Ugu dambayntii waxaa kalimad qiimo badan ardaydii u jeediyay gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar isagoo soo dhaweeyay kuna amaanay kalsoonida ay Jaamacadda Muqdisho siiyeen ardayda cusub waxa uuna usheegay “waxaad ogaataan in jaamacadda Muqdisho ay kutilmaaman tahay cadaalad .
Ummadaha waxay isku dhaafaan wax barasho iyo horumar, Jaamacadda Muqdishona ardayda Soomaliyeed u horseeday waxbarasho tayo leh kuna qaabaysan akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa yiri ” waxaan hubaa inaa tihiin madaxda soo koraysa idinkuna niyada taas geliya waxaana la idinka rabaa inaad ummadda u horseedaan wada wanaagsan oo kusalaysan cilmi iyo iimaan.”
“waxaa balan inaga ah hadii aan nahay bahda Jaamacadda Muqdisho inaan dadaalka ugu wayn ku bixin doono waxbarasho tayaysan sababta oo ah waxaan ognahay dalka waxaa badeli kara aqoon iyo dadaal dheeri ah” ayuu kusoo gabagabeeyay gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.
barnaamijkana waxuu kusoo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.
Figradihiina