Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Axad, 21 September 2014…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa magaaladda Oslo ee dalka Norwey kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, waxana uu warbixin ka siiyay xaaladda uu dalku marayo iyo kulamadii uu la qaatay madaxda dalka Norwey iyo shirkii ka dhacay dalka Ingiriiska ee looga hadlayay dib-u-dhiska Ciidamadda Soomaaliya.
Ugu horeyn Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sharaxaad kooban uu ka bixiyay guulaha siyaasadeed ee Xukuumaddu ka gaartay siyaasadda dibadda iyo gudaha, shirarkii loo qabtay Soomaaliya oo ugu danbeeyay shirkii ka dhacay Londan ee looga hadlayay dhismaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo uu sheegay in Dowladdu ka gaartay guul taariikhi ah.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in caalamku diyaar u yahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen samata bixinta dalka, wuxuuna tilmaamay in dowladnimada iyo nidaam ka hirgala dalka uu kow ka yahay helitaanka amni, taasina ay muhiimad gaar ah siisay Dowladdu, wuxuu Jaaliyadda Soomaalida ee Norwey ka codsaday in xooggooda ay isugu geeyaan taageerada dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda si loo helo ummad wax qabsan karta.
“Waxaan ku soconaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan in ay u hogaamiso Dawladnimadda iyo hirgalinta Dastuur rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato, waxaa sidoo kale aan ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan isugu furayno quluubta Shacabka soomaaliyeed iyo dhismaha maamullo Federaal ah, Jaaliyadda Somalida ee dalka Norwey ku nool waxaa ay kamid yihiin dadka aan jecelnahay in ay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa dhamaan isbadaladaasi aan rabno in dalka ay ka dhacaan” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed.
“Ujeedadeena iyo hadafkeena waa in aan aragno Soomaaliya oo mid ah iyo Soomaaliya oo amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan u degan, wax ka sokeeyo oo aan daneyneyno ma jirto”.
Ugu danbeyn, qaar kamid ah xubnaha Jaaliyadda oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay taageerayaan dadaallada ay wado Xukuumadda ee la xiriira soo celinta dowladnimada Soomaaliya iyo dib-u-dhiska dalka.
DHAMMAAD
Figradihiina