Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda oo si diiran lagu soo dhaweeyay dalka Mareykanka ayaa ka qeyb geli doono shirka guud ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana intaasi kahor Madaxweynaha iyo wafdiga la scoda ay halkaasi kula kulmeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo madaxda kale ee halkaasi u tegay ka qeyb galka shirka Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamada gaar gaarka ee ay la qaateen madaxda kala duwan ay ugu weyntahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dadaalada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto ciribtirka argagixisada iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay sidoo kale kulan la yeesheen ku-xigeenka guddoomiyaha Bangiga Adduunka qaybtiisa Afrika Makhtar Diop iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Bangiga Adduunka, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii dowladda Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dib u soo nooleynta kaabayaashii dhaqaale ee dalka Soomaaliya.
Figradihiina