Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdigii Khaatumo ee ku sugnaa magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh.

Wafdigan oo ka koobnaa madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Cabdul Maxamuud Cali (Caga-lule), madaxweynihii hore ee maamulkaasi Col Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel), isimo, xildhibaanada dowlada federaalka ugu jira Khaatumo, xildhibaanada cusub ee maamulka Khaatumo qaar kamid ah, siyaasiyiin can ah iyo wax-garad kala duwan ayaa maanta waxaa qasriga madaxtooyada dalka ee Villa Somalia ku qaabiley madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa ku bilawday jawi aad u qurux badan iyo soo dhawayn diiran oo madaxweyne u sameeyey wafdiga, waxaana soo dhawaynta kadib la guda galay ujeedada kulanka ooo arimo badan lagu gorfeeyey.

Ugu horeyn waxaa hadalka u baxay garaadka guud ee Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, wuxuuna madaxweynaha uga mahadceliyey qaabilaada quruxda badan iyo sida deg deg ah ee uga soo jawaabay dalabkooda, isagoo sidoo kalena garaadku si kooban uga warbixiyey xaalada guud ee mandaqada Khaatumo ay ku sugantahay.

Garaadku waxa uu sheegay in reer Khaatumo ay yihiin dad xili kasta u heelan midnimada iyo xal u helida mushkiladaha haysta dalka Soomaaliya iyo sidoo kale nidaam dowladnimo oo ka hana qaada dalka balse aanay helin hiilkii ay ka sugayeen dowlada federaalka Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyey garaadku in xadgudub dhinacyo badan ah ay ku hayaan maamulada hareeraha kaxiga maamulka Khaatumo isagoo si gaar ah usoo qaatay arimo ay kamid ahaayeen weerar joogto ah oo maamulka Hargeysa uu ku hayo shacabka iyo maamulka Khaatumo iyo sidoo kale faragelin qaawan sida uu sheegay garaadku oo maamulka Puntland uu ku hayo kuraasi xildhibaano oo ka banaan baarlamaanka federaalka ah oo maamulka Garowe doonaya in uu si sharci daro ah u buuxiyo islamarkaana uu madaxweynaha ka codsaday in uu arintaasi wax ka qabto.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Cabdul Maxamuud Cali (Cago-lule) ayaa dhankiisa sheegay in xaalado binadanimo iyo kuwo siyaasadeed oo adag ay ka jiraan deegaanada Khaatumo, islamarkaana dowlada federaalka ay tahay in ay indhaha usoo jeediso, kaalinteedana qaadato, isagoo sii raaciyey in aanay ka niyad jabi doonin midnimada umada Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Prof Cali Axmed Jaamac (Jengeli) oo isna munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in IGAD ay bogaadisey dhismaha maamulka Khaatumo halka xukuumada federaalka ah aanay ilaa hada cadayn siyaasadeeda deegaanadaasi ku wajahan, isagoo ka codsadey madaxweynaha in si deg deg ah uu uga hawl-galo arinta Khaatumo.

Ugu danbayntii waxaa munaasibada lagu soo dhaweeyey madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna madaxweynuhu hadalkiisa ku bilaabay in dowladiisu ay raali ka tahay samaynta maamul goboleedada dalka, dadka reer Khaatumona waxa ay xaqa u leeyihiin aanay cidi iska hortaagi Karin, isagoo carabka ku adkeeyey in dowladiisu ay dadaal ku bixintoonto sidii loo soo afjari lahaa mashaqada deegaanadaasi ka taagan, balse markale ku celiyey in reer Khaatumo aanay niyad jabin ee ay u dhabar adaygaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in dhawaan xal laga gaadho arinta Khaatumo, dowlada Soomaaliyana aanay mooganeyn xaalada deegaanadaasi. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi aad u qurux badan, waxaana labada dhinac ay maqsuud ka ahaayeen natiijada kulanka.

Aadan Jaamac Axmed

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply